Uncategorized

Shaydaanka Badda oo Garab Weydiistay Badmaaxyo Ku Guuleystay Iney Caawiyaan (Muuqaal)


Jariidada the Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay in kalluunka al-manta ee aadka u weyn loona yaqaanno “shaydaaka badda” oo dhirirkiisu yahay saddex mitir uu u soo dhawaaday koox badbaaxayaal ah meel ku dhow xeebaha galbeed ee dalka Australia, si looga siibo maqaalin isha ka gashay oo uu la dhibaatoonayay.

Waxaa caddaatay in mid ka mid ah badmaaxyada oo ah sawiraa dhanka xayaaanka badda duubta, laman yiraahdo Jayk Welton goobtan oo ku taalla baadiyaha Ningalo aad ugu dabbaasho, waxa uu arkay kalluunkan dhowr jeer oo hore.

Dadka deegaanku kalluunkan waxey ula baxeen (Freckled),  Frayk waxa uu sheegay in kalluunkani uu u soo dhawaaday waxa uu tusay maqaalinta ishiisa suran, waxey iska dhaadhiciyeen in kalluunkan uu rameystay in uu dadka garab ka heli karo, waa sida ay jariidadu sheegtay.

Sida uu sheegay caalimka dhanka cilmiga biology-ga ee Montey Hool, kaas oo ku sugnaa dusha sare ee doonta u ambabaxday iney kalluunka garabsiiso, ayaa sheegay xilligaas kalluunku  aanuu is dhaqaajin markii uu Jeyk dhankeeda u dabbaalanayay si uu maqaalinta uga siibo, markii hore xaalku wuu ku yara adkaaday. Laakiin mid ka mid ah isku dayadii ayaa lagu guuleystay.

Haddii aan maqaalinta laga siibi lahayn, waxaa dhici kari lahayd in kalluunkan ay indhuhu caabuqaan oo ay indho la’aan soo waajahdo.

Linkigaan hoose riix si aad u daawato

https://vimeo.com/348323050

Goobjoog Edu

Related Articles

Close