Uncategorized

Dheymanka Amal iyo Koolinaal.. Wax Ka Ogow 7 Dheemana ee Ugu Qaalisan Adduunka(Muuqaal)


Jowharadaha si guud waxaa loo aqoonsan yahay iney ka mid yihiin arrimaha dumarka soo jiita, quruxdooda dhammeystirta, aragtidoodana  ka dhigta kuwo aad u qurux badan kana soo jiidasho badan sidii hore, waxaa jira koox aad u jecel dheemanka, sida darteed; website-ka “Mostexpensivediamond”, waxa uu soo gudbinayaa dheemanka ugu qaalisan adduunka, waana sidan:

  1. Dheemanka Jaalaha ah

Qiimaha dheemankan waxa uu gaarayaa 3-milayan oo dolar, miisaankiisun waa 101.29 kiiraat.

  • Musaayifka Cas

Dheemanka ugu nadirsan ayuu ku jiraa, halkiisii gobol ee gaareysa 5.11 Kiiraat, waxaa lagaa siinayaa 8 Milayan oo dolar.

  • Dheemanka ubaxa

Xaraash furan oo ka dhacay Hongkong ayaa lagu kala iibsaday 23 milayan oo dolar, dheemankan miisankiisu waxa uu gaarayaa 14.23-kiiraat.

  • Deemanka Amal

Miisankiisu waa 45.52-kiiraat waa in u dhiganta 9.10-garaam, dheemankani waxa uu leeyahay dhalaal badan oo marka qorraxda la dhigo aad ayuu u ifaa, sicirkiisuna waxa uu gaarayaa 350-milayn oo dolar.

  • Dheemanka Kolinaal

Miisankiisu waa 621.35 garaam, qiimihiisuna waa 400 oo milayan oo dolar.

  • Dheemanka Biriinza

Culeyskeedu waxa uu gaarayaa 34.65-kiiraat, waxaa iska lahaa qoyska reer boqor ee ku sugnaa Xaydar Abaad, qiimaheedu waa 40 milayn oo dolar.

  • Dheemanka Koohinoor

\Miisankiisu waa 105-kiiraat, cimrigiisu waxaa lagu tiriyaa inuu gaarayo dhalashadii Nabi Ciise ka hor, qiimahiisuna cid goyn kartaa ma jirto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close