Uncategorized

Haweenay Ka Sheekeynaysa Sirta Dhalinyaranimadeeda Joogtada Ah.. “Malaa’igta Ayaan La Sheekaystaa!”


Haweenay 50-jir ah ayaa sheegatay in da’deeda caadiga ah ay ka yar tahay sanooyin badan, sixirka oo ay ku wanaagsan tahay awoodiisana ay isticmaasho darteed.

Sida ay qortay jariidada “Metro”,  Falaafiyaa Betris waxey tiri: “Waxaan ahay 50-jir, laakiin dadku waxey i yiraahdaan da’daada aad baad uga dhaban yar tahay. Arrintan waxaan ka helay, ayay tiri, awoodda sixirka ee aan ka shaqeeyo.”

Haweenaydan ayaa aaminsan jinka, waxeyna sheegataa sidoo kale iney  suurtaggasho iney la sheekaysato malaa’igta.!.

Haweenaydan ayaa tilmaantay iney in muddo ah iska daysay sixirka oo ay ka dheeraatay, laakiin ay howsheedii dib ugu soo laabatay, muddo yar ka hor, howlihii sixirka ee ay markii hore qaban jirtay ay hadda halkoodii ka bilowday.

Betres, waxey caddeysay in awoodeeda ay ka hesho dabeecadda, iyadoo carrabka ku adkeysay in dadka intooda badan ay ka qarsoon tahay iney fahmaan awoodooda.

Betres waxey carrabka ku adkeysay iney ku qansan tahay in muhiimadeedu ay tahay iney dadka ka taageerto iney dhibaatooyinka dhanka nafsi ahaan u soo waajaha ay ka daweyso, si ay farxadoodii mar labaad dib ugu soo ceshtaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close