Uncategorized

Talooyin Ku Addan Sida Loola Dhaqmo Lamaanaha Beenta Badan (Muuqaal)


Dumarka qaar waxey dhibaato ku qabaan in lamaanahoodu uu been badan yahay, arrintaas oo dareensiisa kalsooni darro, xilliyada qaarna ay dantu ku khasabto iney daba gasho si ay xaqiiqada dhabta ah lugeeda ugu soo ogaato, arrintaas oo marka dambe gaarta heer ay adag tahay in la wada noolaado, si hadaba mushaakil looga dheeraado, qoyskana uu u sii dhisnaado, warbixintan waxaa ku baraneynaa waddooyinka loola dhaqmo lamaanaha beenaalaha ah, waa sida uu qoray websiteka “everydayhealth”.

Waddooyinka ku aaddan habka loola dhaqmo lamaanaha beenta badan

-Gabadha waxaa laga rabaa iney fahamto maka hore, sababta ku kallifaysa inuu been joogta ah u sheego, waxaa dhici karta inuu diidan yahay in uu xaqiiqada sheego si aan loo dhaliilin, ama in uu uga baqayo iney dhibaatooto marka ay xaqiiqada ogaato, sidaa darteed; waxaa habboon inaad sababta ogaato.

– Caruurtu dhaqanka beenta waxey uga daydaan qoyskooda marka ay ku dhex arkaan, arrintaas oo aan ka hareyn qofka marka uu qaangaaro oo uu reer yeesho, waxaa dhici karta inuu ku soo barbaaray beenta oo ay caado u tahay, xilligaa iyada ah gabadha waxaa waajib ku ah iney cudur-daar u raadiso oo ay ka garabsiiso in dhaqankaa xun uu ka adkaado, iyadoo wanaag u muujineysa, waxwalbana in la wada falanqeeyo ku dayeysa.

-Waxaa dhici karta sababata ay beentiisu u badan tahay iney tahay xiriir jacayl oo uu lamaantiisa ka qarinayo, markii ay ogaato in uu xiriir jacayl ku jiro waa in arrinta ay waajahdo oo ay kala hadasho, si loo gaaro xal dhex dhexaad ah oo dadka oo dhan raalligeliya.

– Ninka waxaa beenta ku kallifi kara shaki uu lamaantiisa ka qabo, sidaa darteed; waxaa waajib ku ah iney ammaan dareensiiso oo ay u caddeyso in waxa uu ka shakisan yahay aaney waxba ka jirin, si uu si run ah waxwalba ugu sheego.

– Gabadha waxaa laga rabaa iney lamaaneheeda siiso xoriyad uu si dhab ah waxwalba uga sheekeyn karo, iyadoo ka dhowraysa dhaliisha iyo tuhunka, si uu waxwalba ugu caddooyo uguna sheego si dhab ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close