Uncategorized

Dhakhaatiir ay Lama Filaan Ku Noqotay Waxey Ka Heleen Caloosha Nin India u Dhashay… Waxyaabihii Ay Kasoo Gureen “Biinso” Ayaa Ka Mid Ahayd! (Muuqaal)


Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay in dhakhaatiir ay ka soo saareen 33 gobol oo bir ah caloosha nin dhalinyaro ah, birhii calooshiisa laga soo saaray waxaa ka mid ah, qalabka tima jaraha, sakiinno, biinso, kadib markii uu ka sheegtay xanuun daran oo dhanka caloosha ka soo waajahay.

 Warbixinnada la helayo ayaa sheegaya Yoogiish Taakuur, in baco lagu arkay calooshiisa, kadib markii isbitaalka la geeyay oo raajo dhanka caloosha laga saaray.

Hooyada dhashay wiilkan dhalinyarada ah ee 30-jirka ah, ayaa dhakhaatiirta MPN Khare ee Tashaataarbuur ee gudaha India u sheegtay in wiilkeeda uu Afka ku rito waxwalba oo gacantiisa soo gala, “laakiin waxaa lama filaan nagu noqotay markaan ogaannay inuu liqi karo waxyaabahan khatarta badan.”,  

Taakuur, ayaa waxaa lagu sameeyay qalliin kadib markii la ogaaday in biro khatar badan ay calooshiisa ku jiraan, isla markaana waxaa loo fidiyay talooyin nafsi ah, si uu naftiisa uga dhowro cunista waxyaabaha khatarta badan.

Dhakhaatiirtu waxey aaminsan yihiin in ninkan dhalinyarada ah uu oomateedku ka wareersan yahay, qofka sidan oo kale ah waxaa uu awoodaa oo uu liqi karaa waxyaabaha afka leh ee khatarta badan, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Dhakhaatiirtu waxey sidoo kale yiraahdeen, xaaladdiisa caqli ma fadhido, waxeyn dhaliilayaan habka uu u fakaro oo ay leeyihiin wax badan ayaa ka khaldan.

Sida laga soo xiganayo dhakhtarkii qalliinka ku sameeyay, waxaa lama filaan ku noqotay markii uu biraahaas oo dhan ka soo saaray caloosha ninkan bukaanka ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close