Uncategorized

Nin India u Dhashay oo Aan Tintiisa Jarin Isla Markaana Aan Nadiifin Muddo 40-sano ah (Sawirro)


Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa daahrogtay, Saakaal Dayf Todo, oo ah nin India u dhashay oo aan tintiisa nadiifin muddo 40 sano ah, ninkan ayaa waxa uu daggan yahay gobolka Monjar Beyhaar, tintiisa waxa uu ku tilmaamaa iney tahay nimco xagga rabbi uu ka helay.

Muwaadinkan India ka soo jeeda, ee 63-jirka ah, ayaa waxa uu sheegtay in Alle xaggii looga warramayay oo loo sheegay inaanuu tintiisa jarin, sidaas; oo kale ma cabbo sigaarka iyo alkolada, laakiin muuqaalkiisu waxa uu u muuqadaa kor marka aad ka aragto mid nadiif ah, timihiisa waxa uu ku dada maro cad marwalba oo uu doono inuu dibadda u baxo, haddii kale tintu dhulka ayey jiitameysaa, arrintaas oo wasakh badan u soo jiidi karta.

Sakaal waa dhakhtar dhaqameed, waxa uu daaweeyaa lamaanaha ay dhalmadu ka soo raagto, tintiisa dheer si ay u arkaan dadku meelo kala duwan ayey uga yimaaddaan, si ay sawirro xasuus leh ula galaan.

Sakaal Dayf waa xaasle, waxaa u joogta saddex wiil iyo saddex gabdhood iyo sidoo kale, 7 caruur ah oo uu awoowe u yahay, Xaaskiisa Robiya waxey tiraahdaa, tintiisa dheer wax dhibaato ah kuma qabo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close