Uncategorized

Ciyaar oo Gurigaaga Cusbooneysii.. Baro Sida Aad Ugu Noolaan Karto Nonol Farxad Leh Adigo Raacaya 4-tan Tallaabood ee Sahlan (Sawirro)


Farxadda iyo sareedada nolosha waa go’aankaaga, laakiin oraahdaa fulinteedu wey adag tahay maadaama waaqica dhab ah ee nagu hareeraysan uu ka bedelan yahay sida aan rabi lahayn oo saameyn badan dadka noloshooda ay ku yeelato waaqica aan ku nool nahay ee dhabta ah, sidaa dateed Websiteka “WikiHow” ayaa waxa uu soo gudbinayaan talooyin dhowr ah si aan farxad u dareenno dareenka taban ee aan wanaagsaneynna aan uga adkaanno, ingoo tallaabooyinkan qaadaynna:

  1. Ciyaar

Inta badan dadka yar weynaada waxey aamisan yihiin iney ciyaarta ka weynadeen oo noloshooda ay dadaalka qoyska un u huraan, marnaba ha yaraysan inaad adigoo weyn ciyaarto oo waxaad ogaataa in sida ciyaalku ugu baahan yihiin aad Adigun ugu baahan tahay inaad ciyaarto, caruurta waxey u ciyaaraan si wax loo baro oo ay waayo aragnimo uga korosadaan, si ay jaalanjiga nolosha u dareemaan oo ay wax uga bartaan iyo  si ay farxad u helaan amao shay ay firfircooni ka helayaan oo ay ku mashquulaan.

  • Dhanka wanaagsan wax ka eeg

Waxyaabaha farxadda laga helo waxaa ka mid ah, inaad waxwalba dhanka wanaagsan ka eegto, xitaa shaqooyinka adag sida wanaagsan ee ay naftaada u saameynayaan dhanka wanaagsan ka eeg; sida inaad ku adkaaneyso oo kale, waxa lagaa rabo ayaa ah inaad dhanka wanaagsan wax ka eegto oo aad faraxdo, xitaa khaladaadka iyo dhibaatooyinka inad waayo aragnimo ka korosatay ku fakar.

  • Guulkasta oo yar u dabbaaldag

Waxaa dhici karta in noloshaada waxa ka maqani ay yihiin inaadan u dabbaaldagin guulahaaga aad gaarto. Shaqo kuu taallay ma qabatay oo si wanaagsan ma uga soo dhalaashay? U dabbaaldag,  Saaxiib kuu dhow shaqo fiican ma helay u dabbaaldag, xoogaa baruur ah jirkiisa ma ka dhintay oo ma is caateysay  U dabbaaldag. Raadi waddooyinka aad ku farxi karto oo guulahaaga yaryar ee nolosha aad ugu dabbaaldagi karo.

  • Gurigaaga cusbooneysii

Shaqada iskuulka, guriga, deegaanka kugu hareeraysan waxyaabo badan oo aad ku faraxdo ka sameyso. Xafiiska aad ka shaqeyso ee kuu gaarka ah rinjiga ka bedel, qolkaaga hurdada si gaar ah u qurxi oo waxwalba oo ku farxadgelin kara ku diyaarso, dhir beer oo ku dadaal sidii ay si wanaagsan ugu bixi lahayd, iftiinka qolkaaga wax ka bedel, akhriso buugaagta dareenkaaga wanaajiya  iyo wax kasta oo ku farxadgelin kara.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close