Uncategorized

Dhacdo Qosol iyo Layaab Iskugu Jirta… Haweenay Nin Ku Xambaartay Dhabarkeeda Busteejo Tateen Si Aaney Kabihiisu u Qoyin! (Muuqaal)


Boosteejo tareen oo ku taalla gobolka Short Hills ee gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay dhacdo qosol badan, Arbacadii 17 July, kadib markii uu gobolkaa ay ku dhufteen roobab dabaylo wata oo aad u xooggan.

Roobabkii tirada badnaa ayaa waxey biyo dhigeen jaranjarooyinka tareenka looga dago, waxaa goobta soo istaagay nin la bisan oo wata dhar madow oo sugaya qof gaarsiiya tareenka biyahana dhaafiya.

Waxaa aad ugu faafay baraha bulshada muuqaal uu ka soo muuqaanyo ninkaa labisan oo sugi kari la’ qof biyaha dhaafiya si aan kabihiisu uga qoyin.

Haweenay wadatay dalladda roobka ayaa soo istaagtay goobtii dhabarkeeday u leexisay si uu u koro, oo dhabarka ayuu kasii karay biyahan wey dhaafisay.

Labadan qof xiriirka ka dhaxeeya cidin ma garaneyso , ninkan ayaa ka  baqayay iney  kabihiisu qoyaan, dhacdadan layaabka iyo qosolka badan ayaa dunida si wey looga hadal hayaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close