Uncategorized

Jacayl Ayaa Mideeyay Muddo 71-sano Ah.. Noloshana Saacado Kaliya Ayey Ku Kala Dambeeyeen (Muuqaal)


Warbaahina iyo baraha bulshada Caalamka ayaa waxaa si aad ah u qabsaday oo looga hadal hayaa geerida lamaane is jeclaa oo wada noolaa muddo 71-sano ah oo isla maalin geeriyooday geeriyooday, 12saacadood oo qurana kala dambeeyay.

Jariidada daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in Harbarayt Dilaagal ay xaaskiisa is barteen Marlin Francis, sanadkii 1947 maqaaxi ku taalla magaalada Wensooro ee gobolka Joorjiya, halkaas oo ay ka shaqeyn jirtay.

Dilaagal, wareysi laga qaaday 2018, ayaa waxa uu ku sheegay: “Waan la socday dhaqdhaqaaqeeda sida ay u socoto marka ay maqaaxida ku socoto ama ay ka hoyaadayso, maalin ayaan is khasbay oo aan u bareeray inaan la hadlo, waxaan weydiiyay inaan wada kulmi karno marka ay shaqada ka soo baxdo iyo in  kale.., sanad kadibn waan is guursannay.”

Lamaanaha Dilaagal ayaa geeriyaday, iyagoo ka tagay 6 cauur ah iyo 25 qof oo ka farcantay, isla maalin Jimcihii 12, July waa bishan aan ku jirno ayey ku geeriyoodeen isbitaalka Wensboro. Markii ugu horreysa waxaa geeriyooday Harabrayt oo 94 jir ahaa, saacaddu markii ay ahayd 2:20 daqiiqo habeenkii, halka Marlin oo 88 jir ahayd ay dhimatay 12-saacadood un kadib markii uu ninkeedu dhintay, waxaana la wada aasay Isniintii 15 July.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close