Uncategorized

Si Aad Xorriyad Ugu Noolaato Naftaadana Aad u Kaafiso… Raac 4-Tan Talo ee Muhiimka Ah (Muuqaal)


Ilmaha yar laga soo bilaabo marka ay dhashaan waalidkood ayaa gacanta ku haya waxwalba u sameeya, arrintaasi dadka qaar si khaldan ayey noloshooda u saameysaa, markii ay weynaadaan waxaa ku adkaata iney goonni u istaagaan oo ay noloshooda maareeyaan mas’uuliyadda naftoodana ay qaataan, taasina waa mushkilad dhab ah oo dad badan haysata, sidaa darteed; websiteka WikiHow ayaa soo bandhigay talooyin fudud oo ku aaddan sidii aad lugagaagaha iskugu taagi lahayd oo aan u noqon lahayd qof noloshiisa dabara.

  1. Dusha u rido mas’uuliyadaha noloshaada

Qeyb ka mid ah inaad naftaada ku tiirsanaato waa inaad tijaabiso inaad naftaada dabarto oo goonni aad u istaagto, qeyb ka mid ah mas’uuliyadahaa waa inaad nolol maalmeedkaaga dabarto, gurigaaga aad daggan tahay aad nadiifiso shaqada ama iskuulka aad dhigato aad aaddo waqti go’an, arrimahaasi waxey kordhinaysaa dareenkaaga mas’uuliyadeed ee naftaada kaaga aaddan.

  • Noqo qof waaqi jira la socda

“Warhelaa talo hel” ayey Soomaalid tiraahdaan, sidaa dadteed; markaad war badan hayso talooyin badan ayaad helaysaa si aad naftaada ugu tiirsanaato oo cid kale uga xorowdo, iskuday inaad noqoto qof khibrado badan oo la soco wacyiga ka jira goobtaada shaqada, iskuulka aad dhigato, magaaladaada aad daggan tahay, waddankaaga iyo guud ahaan dunida oo dhan.

  • Waa inaad og tahay halka uu yoolkaagu yahay ee aad tiigsaneyso

Tusaale ahaan; marka aad jaamacad dhiganeyso ugu yaraan waxaa waajib ah inaad fikrad ka haysato waxaad sameyn doonto marka aad qalinjabiso oo aad og tahay waxa kugu dhiirrgelinaya waxbarashadaada, waa in si joogto ah aad ahdaaf nololeed u sameysato.

  • Go’aannadaada gaarka ah  adigu si shaqsi ah u gaar

Markaad  u ogolaato in dadka kale ay go’aannada kuu gaaraan waxaad ka tanaasushay madax banaanidaada, , iyadoo ay jirto in dad kale dareenkooda in la tixgeliyo ay wanaagsan tahay ayaa hadan aadan ku khasbaneyn inad cid kale aad ku raalligeliso go’aannadaada kuu gaarka ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close