Uncategorized

Sanadguuradii 50aad ee Ka Soo Wareegatay Markii Ugu Horreysay ee Aadane Uu Gaaro Dayaxa Dushiisa iyo Sawirro Dhawaan Un La Faafiyey (Muuqaal)


Waxaa la daahrogay sawiradii ugu dhawaa uguna waadixsanaa ee abid laga qaado wejiga Neil Armstrong,  markii uu ku sugnaa dayaxa dushiisa, sawirradan waxaa soo badhigay sawiraaga reer Ingiriis ee Hawi.

Sawirradan waxaa faafiyay Andi Sondaraz, 45 jir,  waxaana la qaaday ilbiriqsiyo un kadib markii ciribixiyeenku dayaxa dushiisa istaagay, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Sondris sawirrada waxa uu daahrogay kadib markii uu arkay in Armstrong  inuu muddo istaagnaa dayaxa dushiisa isagoo aan is dhaqaajin.

Sawiraaga ayaa waxa uu isticmaalay qalab sawirada lagu wanaajiyo oo ay haystaan culumada cirbixiyeennada NASA, arrintaas oo u suurtagelisay in Armstrong sawirkiisu uu si cajiib ah u muuqdo.

Sawirdan la daahrogay ayaa waxey ku soo beegmeen xilli ay NASA u dabbaaldagayso 50 sano guuradii ka soo wareegtay xilligii dayax gacmeedka Abolo 11 uu raagay dayaxa dushiisa.

Dunida ayaa waxaa looga dabbaaldagay bishan sanad guuradii Kontonaad ee ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee aadane uu ka dago dayaxa dushii, arrintaas oo ahayd tallaabo taariikh ah oo casiragan aan joogno horey loo qaaday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close