Uncategorized

Tartanka “Wan Xambaarka” oo Ka Dhacay Gudaha Siberia .. Wax Ka Ogow Sida Tartankan Loo Qabto Iyo Abaalmarinta Lagu Bixiyo (Muuqaal)


Tartan layaab badan oo ka dhacay koonfurta Saybeeriya, qofku waxa uu qaadayaa wan uu dhabarkiisa ku xambaarayo, waxaana tartankan ku guuleysanaya qofka ay u suurtagasho inuu tirada ugu badan wanka la fadhiista oo la istaaga, laakiin sanadkan markii ugu horreysay waxaa ku guuleystay nin ajaniba ah oo muddo 1000 sano oo la soo ciyaarayay ay u suurtagashay inuu ku guuleysto tartanka.

Tartanka sanadkan waxaa ku guuleystay caalim dagal-baarka ku takhasusay oo Switzerland ka soo jeeda, lana yiraahdo Dr. Jiino Kasbaari, oo markii ugu horreysay ku guuleytay kadib markii ay u suurtagashay inuu la fadhiisto uuna la kaco tiro 104 jeer ah oo loo tiriyay isagoo wan nool dhabarka uu u saaran yahay, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Dr. Kasbari waxaa la siiyay shahaado muujineysa inuu tartanka ku guuleystay iyo abaalmarinta uu ku guuleystay oo aheyd hal-neef oo ari ah, caalimkan ayaa Saybeeriya u jooga inuu ka qeybgalo dagal-baar laga qodayay godod taariikh ah oo lagu baarayay taariikhda dadkii goobtaa ku noolaa xilliyadii hore.

Dr. Kasbari waxa uu goostay inuu ka qeybgalo tartanka si uu u tijaabiyo awoodiisa, iyadoo dadkii deegaaku ay aad ula yaabanaayeen markii hore, waxa uuna ka badiyay dadkii deegaanka u dhashay ee ka awoow soo siciyaarayay tartanka oo tiradoodu ay gaaraysay 30 qof, iyadoo wanka la qaadayay uu miisaankiisu dhamaa 50 kiilo, xafladaha tartankan ayaa socda muddo 4 cisho ah, tartanno kale oo kala duwan ayaana barbar socda, sida; fallartuur shiishka lagu tartamo iyo musaaraco.

Sidaas oo kale tartanka waxaa ku jiray mid dumarka loo qabtay oo neef yar oo dhaylo ah ay tunka ku qaataa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close