Uncategorized

Astaamaha Lagu Garto ee Ay Ka Siman Yihiin Ragga Nolosha Ku Fashilma (Muuqaal)

Khabiir Kashifay Astaamaha Lagu Garto Ragga nolosha Ku Fashilmay

Khabiir dhanka Saykolojiga ku takhasusay oo la yiraahdo Aliksandar Shaakhuuf ayaa saxafiyiinta u sheegay astaamaha lagu garto ninka fashilka ah ee aan doonen inuu naftiisa bedelo. waxa uu tilmaamay in 10-kii ninba lix ka mid ah ay nolosha ku fashilmaan.

Shaakhuur waxa uu yiri: Ugu horreyn, raggu waxey ku nool yihiin riyooyin mustaqbal ah oo waaweyn oo ay naftooda u dejiyaan, waxeyn ku riyoodaan iney hantiile-yaal noqdaan oo ay nolosha ku guuleystaan, tallaabadooda mustaqbalka ayaa ay si joogto ah uga sheekeeyaan, marka ay dadka kale ka daalaan dhageysiga riyooyinka aan rumoobeyn, waxey isku dayaan iney raadiyaan wax kale oo ay dadka u sheegaan oo ay ku sii mada daaliyaan.

Astaanta labaad, ragga fashilka ah waxey galaan mashaariic walli ah oo aan si mug leh looga fakarin, ma jecla iney is bedelaan, waxey aaminsan yihiin waxyaabo bilaash ah iney meel cidlo ah ka helaan oo nasiibka ayay ku tiirsan yihiin, waqtiga ay haystaan iyo awoodda ay leeyihiin kama miro dhaliyaan.

Waxwalba dib ayey u dhigtaan oo waqti kale ayey isku halleeyaan, inuu raaxayso oo uu madadaalo helo ayaana hortabintiisa koowaad u ah, halka shaqada uu marwalba dib u dhigto, mushaakilka ku hareeraysan ayey marwalba eedeeyaan, lamaanahooda ayey dhaliilaan, cimilada ayey wax ka sheegaa oo ay ku eedeeyaan sababta lacag la’aantooda ka dambeysa.

Astaanta ugu dambeysa ee ay leeyihiin ragga fashilmay, waa iney waxwalba ay yaqaanaan, sidaa darteed; sabab ay wax u bartaan ma jirto oo ay naftooda u horumariyaan, halka ay fulayo yihiin oo aaney awoodin iney yiraahdaan waxaas ma naqaanno.

Khabiirkani waxa uu aaminsan yahay iney adag tahay isla markaana ay mustaxiil tahay in ragga fashilmay la bedelo, in yar oo raggaa ka mid ah ayaa ku guuleystay iney noloshooda wax ka bedelaan, laakiin waxey is bedelaan marka albaab kastaa uu ka soo xirmo oo waxwalba ay waayaan, waa sida uu sheegay uu qoray website-ka  “Deny Rowe”

Waxa uu khabiirkani hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xitaa lamaanahiisu uuma suurtaggal ah iney caawiso oo noloshiisa ay wax ka bedesho, qof kalena iskaba daa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close