Uncategorized

Trump oo Si Lama Filaan Ah Uga Qeybgalay Arooska Lamaane Si Weyn u Taageera Siyaasadihiisa (Muuqaal)


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lama filaan uga dhigay taageeryaashiisa aadka u jecel inuu kala qeybgalo xaflad aroos oo markii Madaxweynaha isha laga qaaday ay is-qabsatay weedha ah Mareykanku ha noolaado.

Sida ay sheegtay shabakadda Sky, madaxweynaya ayaa waxa uu waqti ku qaadanayay garoon u gaarka ah oo goolaf uu ku ciyaarayey ee ku yaalla New Jersey, markaa waxa uu goostay inuu booqdo lamaanahan arooskooda si xaflooda uu uga dhigo mid gaar ah oo ka duwan xafladaha kale.

Trump, waxa uu horistaagay martidii xafladda oo fadhiga uga kacday, halka dadku ay bilaabeen iney ku qeyliyaan weedha ah “Mareykanku ha noolaado… Mareykanku ha noolaado.”, kadib madaxweynuhu waxa uu salaamay oo uu laabta geliyay arooskii iyo aroosaddii.

Lamaanahan ayaa waxey ka mid yihiin dadka sida xooggan u taageera madaxweynaha, halka qeybta soo dhaweynta xafladda arooska ay ku xardhanaayeen calamo la qurxiyay oo ka tarjumaya ol’olaha doorashooyinka madaxtinimo ee 2020 Trump uu ku galayo sidii mar labaad loosoo dooran lahaa.

Mongeelli iyo aroosadiisu waxey horey u sheegeen iney ifiteeshinno u direen madaxweynaha, laakiin aaney garaneyn inuu xafladooda ka soo qeybgalayo iyo in kale.

Sida uu sheegay chelnelka CNN, tani ma aaney ahayn markii ugu horreysay ee Trump lagu arko xaflad aroos, waxa uu horey sidan oo kale; si lama filaan ah uga qeybgalay xaflad aroos oo ay dhigteen lamaanaha Kiristiyan Biyatkuwiski iyo Taakar Kalaad-hel oo xafladdooda aroosku uu ka dhacay Mar A Lago.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close