Uncategorized

Wax Ka Ogow Wadiiqooyinka Ugu Habboon Marka Aad Guur u Soo Bandhigayso “Gabadha Aad Jeceshahay” (Muuqaal)


Dumarku waxey jecel yihiin iney ku noolaadaan jawi romantic ah marka guur loosoo bandhigayo, hadaba; marka aad ku fakareyso inaadd guur u soo bandhigto lamaantaada qaaliga kugu ah oo aad dooneyso inaad aad uga faraxiso, waxaa laga maarmaan ah inaad arrimaha qaar ku sii baraarugsanaato si maalintaasi u noqoto mid leh xasuus aan ka go’in qalbiga lamaanaha aad jeceshay, waa sida uu qoray website-ka “Wiki How”.

-Marka hore hubso iney tahay gabadhii aad ku riyooneysay iyo in kale

Waxaa dhici karta inaan muddo ka soo baarandageysay iney tahay gabadhii aad in muddo ah ku riyooneysay, laakiin waxaa muhiim ah inaad jeceshahay oo aad u aaminsan tahay iney tahay gabadhii aad ku riyooneysay, ku fakar waxwalba oo kugu riixaya inaad guursato, arrintaasi muhiimad weyn ayay kuu taahay, marka aad guurka u soo bandhigeyso u sheeg jacaylka aad u hayso heerka uu gaarsiisan yahay, waxaa waajib ah marka ay lamaantaadu ku aragto iney xaqiisto inaad dhab ahaan u dooneyso guurkeeda iyo inaad nolosha la qeybsato, lana gaaray waqtigii ku habboonaa ee aad u sheegi lahayd iney noqoto rafiiqaaga nolosha.

Waqtiga munaasabka ku ah eego

Waxaa muhiim ah in waqtigu uu yahay mid munaasab ah si aad guurka ugu bandhigto, xilli aadan degdegsaneyn oo aad xasillooni dareemayso, oo aadan kala daadsaneyn isla markaana aad diyaar tahay.

Xulo maalin idiin gaar ah

Inaad guurka u bandhigtaa waxey ku habboon tahay maalmaha faraxadda;sida; ciidaha, dhalashooyinka, maalmahaa markii horeba iska bilnaa ee quruxda badnaa ayaa iftiin ku sii kordhin kartaa, waxaaba ka sii fiican marka qoyska uu hareerihiinna joogo oo uu faraxaddiina idinla qeybsan karo.

Diyaari goobta aad guurka ku soo bandhigeyso

Goobta, maalinta iyo jawiga ku hareeraysan badhigga guurka weligeeda lama iloobo, adigaana ah qofka jawigaa diyaarinaya, sidaa darteed; waxaa habboon in goobta ay noqoto mid macno kuu sameynaysa  oo aad ku dareemayso nafis, xasillooni oo leh muuqaal soo jiidasho badan.

Go’aanso habka aad guurkaaga u soo bandhigayso

Waxaa iska caadi ah inaad sii diyaariso faraantigii doonayshada, waxaa waajib ah inuu noqdo mid khaas ah oo si wanaagsan aad u soo xushay, waa inuu noqodo mid romantic ah oo gabadha si weyn u soo jiita, habka aad u soo bandhigayso waxaad ka dhigan kartaa sida caado ahaan loo badan yahay inaad jilbaha dhulka dhigato  oo aad u soo jeediso ma aqbaleysaa inaad xaaskayga noqoto, wadiiqadaa dadku badanaa wey yaqaanaan oo aflaamta ayey ku daawadaan.

Noqo qof hal abuur leh haddii aad dooneyso habka loo badan yahay ee bandhigga guurka

Waxaa waajib ah inaad soo xirato dharka kuugu wanaagsan, waxaa wanaagsan inaad soo xirato dhar cusub, waxaad ogaataa iney tahay munsaaba gaar ah oo ay habboon tahay in sawirkeeda guud uu noqdo mid dhammeystran oo wax khaladaad ah aan lahayn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close