Uncategorized

Weligaa Foolxumo Qurux Maka Dhex Raadisay! .. “PhotoShine” Laga Qaaday Gawaadhi Baaliyoobay oo Dad Badan Aad u Soo Jiitay (Muuqaal)


Iney ku soo jiitaan waxyaabaha baaliyoobay ee mirirka ah quruxna laga dhex raadiyo goobaha aan laga fileyn waa arrimaha ku khasabtay sawiraaga Time Smith inuu sawirro cajiib ah ka soo qaado garaash gawaadhida duqoobay ee baaliga ah la dhigo oo ku yaalla Wait Georgia ee gudaha dalka Mareykanka , waa sida uu sheegay website-ka boredpanda.

Smith waxa uu sheegay iney soo jiitaan waxyaabaha laga guuray ee mirirka ah, waxa uu aaminsan yahay iney jiraan qurux laga raadiyo goobaha caadiga ah ee aaney dadka badankoodu ku fakareyn in qurux laga raadin karo.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay inuu sawirrada ka qaaday beer 30 higtar ah oo ku taalla Wayt Jorjiya, meel hal-saac looga socdo waqooyiga Atlanta, halkaas oo uu yaraantiis ku noolaa, waxaan jeclaa inaan dhagaha sameecado soo gashado oo aan geedaha quruxdooda ku dhex socodo, ayuu yiri sawiraagu.

Si kastaba, sawiradii uu Smith qaaday ee uu ka soo saaray gawaadhida uu boorku dabooley ee mirirka ah ee sannooyinka badan aan cidina soo ag-istaagin, waxaa ka muuqda iney yihiin gawaadhi si caajiib ah loo sameeyay oo aad looga fakaray waxwalba oo ay ka koobnaayeen, in kasta oo ay jirtay iney baaliyoobeen oo ay dhamaadeen ayaa hadana aad ka dheehan kartaa sida xirfadda sare leh ee loo sameeyay loogun dadaalay quruxdooda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close