Uncategorized

Shirkad Caan Ah oo Soo Bandhigtay Mobile-ka Ugu Raqiisan Uguna Awoodda Badan Adduunka (Muuqaal)


Shirkadda “Motorola” ee caanka ah ayaa waxey suuqa soo gelisay mid ka mid ah mobile-ka ugu raqiisan uguna awoodda badan aduunka, waana mobileka Moto E6, sicirkiisu waa $150(Boqol iyo Konton dolar).

Mobilekan ayaa shaashaddii ay tahay 5.5 inches, waxa uu leeyahay CPU awood badan oo nooca Snabdrogon 435 ah, RAM qaadkiisu yahay 2GB, halka Memory-giisu yahay 16 GB, isagoo qaadi karo memory card qaadkiisu yahay 256-GB.

Sidaas oo kale, mobilekan waxaa la socda beteri adkeysi badan oo awoodda qaadistiisu tahay 4000-mAh(milliambiir/ saacaddii).

Sidaas oo kale, waxa uu wataa camera gadaaleed oo 13 Megapixel ah, waxaana la socda qalab kale oo smarts ah oo taageeraya, kuuna qaadaya sawir aad u tayo sarreeya si kasta oo uu iftiinku u xun yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close