Uncategorized

Qosol oo Ka Cudur-daaro.. 4 Talo oo Ku Aaddan Sida Looga Baxo Simbirixashada Marka uu Khalad Kaa Dhaco Dad Badan Hortooda (Muuqaal)


Xiriirka bulshada aan la leenahay, xaalado badan ayaa ina soo waajaha, mararka qaar hadallo deelqaaf ah ayaa inaga soo baxa oo xaaladda inagu xumeeya. hadal simbiririxsho  ah oo naga dhaca darteed, xilligaas waxaa ku qabaneysa yaa mar un ku qariya, sidaa darteed; website-ka WikiHow ayaa waxa uu soo qoray habka aad xalaadda uga bixi karno:

  1. Si dhakhsiyo ah uga cudur-daaro

Haddii uu kula xumaado ficil ama hadal kaa soo yeeray oo aad ka xumaato xaalad adagna uu ku geliyo, ka cudur-daaro kana run sheeg cudur-daarkaaga, arrinta ha ku sii dheeraan ee ka gudub, laakiin waa in qofka aad ku gafto uu ogaado si dhab ah inaad uga cudur-daaratay, cudur-daarka inaad ku sii talax tagto ka fogow.

  • Ku qosol naftaada

Khajilaadda ku jabi xoogaa qosol ah, xilliyada qaar xaaladahan oo kale waxey isku bedelaan kuwo fanny ah oo ay dadku aad ugu qoslaan, haddii qosolka lagugu bilaabo waxaad ogaataa inaad xakameynta ay kugu adkaan doonto.

  • Si dhekhsiyo ah uga gudub

Baraarugga dadku waa iska kooban yahay si dhekhsiyo ah ayey wax ku illoobaan, bedel mowduuca si sahalna oo aan la fahmi Karin, si aad aragtida ugu jeedo meel kale.

  • Si wanaagsan u neefso

Marka aad xaalad adag la kulanto, garaaca wadnahaagu wuu kordhayaa, heerkulka jirkaagun sare ayuu u kacayaa, xaaladaas oo kale waxaa lagaa rabaa inaad naftaada taageerto oo dareenkaa aad waajahado, qaado neef oo si mug leh u neefso oo ku nafis, naftaadana deji.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close