Uncategorized

40-milyan oo Dolar oo Laga Dhacay Airport Ugu Mashquulka Badan Latin America (Muuqaal)


Rag hubaysan ayaa waxey dahab iyo macdan kale oo qaali ah oo lagu qiimeeyay 40-milayn oo dolar, airportka ugu mashquulka badan Latin America, waxeyna horey u sii qafaasheen labo ka mid ah shaqaalaha Airportka, waa sida ay boolisku sheegeen.

Burcaddan oo hubaysnaa ayaa waxey xadeen 750-kiiloogaraam oo Dahab ah iyo macdan kale oo qaali ah, dhac ay ka geysteen Airportka Guwaarooliyos oo ku yaalla Sowbowlo, horey waxey u sii qafaasheen labo ka mid ah shaqaalah Airportka oo rahan ahaan ay u sii kaxeysteen si aan loo dhibaateen oo ay gaashaan ugu noqdaan, boolisku waxey sheegeen in tuugadii aan weli gacanta lagu dhigin oo ay dibadda joogaa.

Burcaddan ayaa airportka waxey ku yimaaddeen gaari yar oo madow, waxey soo mariyeen nastaan u eeg tan booliska, waa sida ay soo qabteen kaamiryooyinka ilaalada, gaarigana waxaa ka dagay 4-rag ah oo maasgaro wata oo wejigoodu qarsoon yahay, midkood ayaana qori watay, shaqaalihii airportka ayey dhinaca iskugu leexiyeen, dahabkii ayeyna ku gurteen gaari.

Wakaaladda wararka AFP  oo soo xiganeysa in muuqaal uu faafiyay TV ku yaall gudaha Brazil, ayaa muujinaya in tuugadu ay gaarigooda madoobaa ku gurteen dahabka, waxey wateen dhan shabaha kuwa ay booliska iyo gaarigii oo ay u soo ekaysiiyeen kii boolis.

Afhayeen u hadlay airporka ayaa sheegay inaan cidina dhibaato ka soo gaarin wareerarka, laakiin faahfaahin kama aaney bixin shaqaalaha ay tuugadii sii afduubteen waxa ay ahaayeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close