Uncategorized

Gabar Raadineysay Jacaylkii Nolosheeda Muddo 12-sano ah oo Facebook Uu Mideeyay (Muuqaal)


Markii 12 sano ay kala maqnaayeen, waxaa marlabaad midoobay oo baraha bulshadu ay isku keeneen, wiil iyo gabar dhalinyaro ah oo xiriir jacayl uu ka dhaxeeyay xilligii ay yaraayeen, waxeyn ku kula tageen gabadha hooyadeed oo magaaladii ka guurtay.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in wiilka iyo gabadha ay saaxiibbo isku fiican ahaayeen xitaa iskuulka ka hor, caruurnimadoodii intoodii badneydna ay isla soo qaateen, ugu dambeyn waxey is guursadeen markii ay 12-sano kala maqnaayeen.

lamaanaha Ostin Tatman iyo Natanli Karo mid kasta oo ka mid ah waa 24 jir, markii ay 2 jir ahaayeen isku xanaano ayey ku jireen , magaalada Oklaa ee gobolka Florida, laakiin Ostin  lamaantiisa xiriirkeeda ayuu waayay kadib markii gabadha hooyadeed iyo aabaheed ay kala tageen oo ay u guurtay Koneetiikit markii ay 5 jir ahayd.

Warbixintu waxey intaa ku dartay in markii ay 12 sano is mooganayaayeen ay is helee sanadkii 2012, waa markii ay 17 jir noqdeen, waxey iska soo baadi goobeen baraha bulshada oo ay qoyskii iyo deriskii ay ka soo tilmaansatay, markii ay is heleen si dhekhsiyo ah ayey jacayl iskugu qadaeen oo saaxiibtinimadii ay jacayl ugu bedeleen.

Oston waxa uu Natanle u soo bandhgay guur August 2017, waxeyn is guursadeen bishii April ee isla sanadkaas.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close