Uncategorized

Dakhligeeda Billaha ah Waa 3 Milayan oo Dolar.. Gabar Yar oo Guri Ku Iibsatay 8-milyan oo Dolar!(Muuqaal)


Gabar yar oo Kuuriya u dhalatay oo da’deedu tahay 6 sano jir kun caan ah naaneysta ah Boram, ayaa waxey iibsatay dhisme ka kooban 5 dabaq oo ku yaalla deegaanka Gangam ee caasimadda Siyool.

Jariidada The Korea Times ayaa waxey sheegtay in qiimaha ku kacay dhismaha uu yahay 9.5-bilyan oo Won(lacag u dhiganta 8 milyan oo dolar), dhismahan oo la dhisay sanadkii 1975 ayaa waxa uu ku fadhiyaa bad gaaraya 250-mitir oo isku weer ah, jariidadu ma aaney sheegin sababihii ka dambeysay in gabadhan yari ay iibsato, dhisamahan aadka u weyn ee qaaliga ah.

Gabadhan yar ayaa waxey hoggaamisaa oo ay leedahay labo jannal oo dhanka Youtube-ka uga furan, mid kood waxa uu yahay “Boram Tube Vlog” tirada dadka ku xiran waa 17-milyan oo qof, waxaa kale oo ay leedahay “Boram ToyReview” tirada dadka ku xiran waa 13.6-milyan oo qof.

Youtube-keeda koowaad waxey ku faafisaa muuqaallo, kan labaad waxey dadka u soo bandhigtaa games kala duwan ee ay caruurtu ku ciyaaraan. Dakhliga billaha usoo gala waa 3.7 bilyan oo won (lacag u dhiganta 3-milyan oo dolar).

Goobjoog Edu

Related Articles

Close