Uncategorized

4 Talo oo Ku Aaddan Sida Loola Dhaqmo Ubadka Marka Ay Hooyada iyo Aabuhu Kala Tagaan

Kala Tagga Kadib… 4 Talo oo Muhiim u Ah Sida Loola Dhaqmo Caruurta

Lamaanaha qaarkood waxey ku khasan yihiin iney kala tagaan, oo kala taggu waxa uu noqdaa xalka ugu dambeeya marka waddo kasta oo lagu wada noolaan karo ay soo xiranto,  laakiin waxaa dhici karta in xalkaa kama dambeysta ah ee la gaaray ay ku adkaato curuurtu iney fahmaan, arrintaas oo keenta in noloshoodu ay dhinaca kale isku rogto, oo ay ku dhibaatoodaan nafsi ahaan, sidaa darteed; sadaradan soo aaddan waxaan ku ogaaneynaa waddooyinka ugu habboon ee caruurta loola dhaqmo kala tagga kadib, waa sida uu qortay websiteka raisingchildren.

Waddooyinka loola dhaqmo caruurta kala tagga kadib:

1- Waalidka waxaa waajib ku ah, iney caruurta u fasiraan xaaladda cusub waddo sahlan oo ay fahmi karaan,  u sheegaan jacaylka aad u hayso caruurtada, u sheeg in meel kala duwan lagu kala noolaado iney tahay duruuf shaqo ama arrimo kale, laakiin aabahood uu marwalba la soo xiriiri doono uu soo booqan doono oo uu ugu dadaali doono sidii hore oo kale, waxna aaney iska bedelin noloshooda.

2- Haweenayda waxaa waajib ku ah in kala tagga kadib ay ninkeedii hore kula hadasho si ku habboon caruurta hortooda, oo ay ogaato inuu aabahood yahay, waa iney diyaar u noqoto iney ka jawaabto su’aalaha tooska ah ee caruurta oo ay dareensiiso inaaney waxba iska bedelin noloshooda aabahoodna uu ku nool yahay meel kale duruuf jirta awgeed, waa si aaney caruurtu welwel u dareemin.

3- Waxaa waajib ah in caruurta loo sameeyo waqti u goonni ah oo la dalxiis geeyo, hadiyado loo iibiyo iyo waxyaabo ay ku ciyaaraan, si aaney caruurtu u dareemin in kala taggu uu dhibaato u horseeday oo nacfi ay waalidkood ka heli jireen uu ka go’ay.

4- Waxaa dhici karta in ilmahaaga yar uu murugo kugu arko kala tagga kadib, xilligaa iyada ah waxaa waajib ah inaad u sheegto in arrintani ay tahay mid iska caadi ah oo aad dhinicii kale weli aad u hayso ixtiraam iyo jacayl, waayuhuna uu idin kala geeyay, dhanka kale, ilmaha yar ka codso inuu dareenkiisa kula wadaago iyo waxa uu ka baqayo, isku day inaad dejiso oo hadal iyo ficilba aad ugu muujiso, u sheeg inaan wax xuni dhicin, waxwalbaana ay wanaagsanaan doonaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close