Uncategorized

Marka Aad Iska Iibineyo Shay Agtaada Qaali Ku Ah Ka Iibi Qof Qiimihiisa Yaqaanna oo Si Wanaagsan u Daryeeli Kara.. Oday Gaarigiisii Dib u Ceshaday Sanadguuradiisii 100aad! (Sawirro)


Marka aad iibineyso shay qaali kugu ah, kuma fakaraysid oo qura cidda lacagta ugu badan kaa siisata, ee waxaad si gaar ah u eegaysaa qofka kaa iibsanayaa ma qiimeyn doonaa, gaar ahaan marka uu yahay shey qiimo weyn kuugu fadhiya oo taariikh ku leh naftaada.

Sheekadan ayaa bilowgeedii hore, Jone Bell ayaa waxa uu iibsaday gaari Kalaasig ah oo uu ka soo iibsaday Gambal oo dagganaa Welis ee gudaha Britain, waxa uu ogaa inaanuu iibsan gaari oo qura ee laakiin sheeko romantic aha uu gacanta ku dhigay oo taariikhda ku xardhan jiilasha dembena ay sii dhaxli doonaan, laakiin waxa uu u hadiyeeyay oo uu gaarigii dib ugu soo celiyay markii uu gaaray 100-sano si uu ugu sharfo ninkaa odayga ah iyo xaaskiisii geerooyotay oo sheekadooda romantic ah dadku ay aad uga dharagsan yihiin, waa sida uu qoray website-ka Fox News.

Warbixinta ayaa waxey intaa ku dartay in Ganbal uu Jonhn u sheegay markii uu gaariga ka iibinayay, inuu gaariga iibsaday mar uu safar kula jiray xaaskiisa, gaari kale oo ay wateenna uu ka xumaaday, gaarigana ay ku safri jireen muddo 50-sano ah, markii ay geeriyootay xaaskiisa Elma shan sanno kadibna uu gaarigii iska iibinayo.

Bawel  markii uu maqlay in ninkii uu gaariga ka iibsaday uu 100-jir noqday, ayaa uu sawirkooda boor ku dhajiyey isla markaana uu gudaha gaariga suray, isla markaana uu ugu tagay meel 200-mayl u jirtay gurigiisa, gaarigiina uu mar labaad u hadiyeeyay, waxa uu yiri: “Aad bay lama filaan ugu noqotay markii gaarigiisii uu mar labaad arkay, wejigiisu aad ayuu u ifay markii aan gaariga ku kaxeeyay ee aan magaalada ku soo dhex mariyay.”

Gambal waxa uu yiri: “Lama filaan qurux badan ayey ahayd, kuma aanan riyooneyn inaan gaariga mar labaad arki doono, waxa  gaari qadiimi ah oo aad u wanaagsan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close