Uncategorized

Dhacdo Murugo Leh oo Shabbahda Tan Aflaamta oo Ka Dhacay Airport Ku Yaalla Dalka Masar (Muuqaal)


Haweenay rakaab ah oo xanuunsan oo ku sugneyd dalka Mareykan ayaa ku adkeysatay in waddankeeda dib ay ugu laabato, iyadoo arrintaasina ay ahayd dardaarankeedii ugu dambeeyay inta aaney dhiman ka hor, xaaladeeda caafimaad ayaa sii xumaatay kadib markii uu kansar kaga dhacay beerka.

Shaqaalihii diyaaradda waxaa ku adkaatay xaaladda haweenayda oo markii loo keenayay aad u garaab ahayd, arrintaas oo u daydaysa iney safarto sharci ahaan, waxey la tashadeen maamulhii safarka iyo kan airporka Washington, waxaana la isku waafaqay in safarka loo ogolaado maadama ay doonayso in haddiiba ay naftu ka baxayso ay waddankeeda ku naf baxdo.

Iyadoo ay jirto inuu safarku dheer yahay oo uu gaarsiisan yahay ilaa 10-saacadood oo xiriir ah ayaa shaqaalihii diyaaraddu aaney ka gaabin iney haweenayda u fidiyo daryeelkii ay u baahneyd si mar un dalkeeda loo gaarsiiyo, illaa intii ay diyaaraddu ka caga dhiganeysay garoonka diyaarada ee Qaahira, haweenaydan ayaa dooneysay iney mar un qaadato hawada Masar oo ah dalkeeda hooyo.

Gabagabadii safarka xilligii ay diyaaraddu soo cagedhigatay garoonka diyaaradaha Qaahira ayey naf baxday, waxaan u hirgalay wixii ay dooneysa oo ahaa iney ku dhimato gudaha dalkeeda lagun aaso halkaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close