arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

Eegmada Kalgacaylka leh iyo Dhoollacaddeynta Ka Sokow.. 4 Calaamadood oo Kuu Sheegaya Inaad Ku Nooshahay Qiso Jacayl oo Dhab Ah (Muuqaal)


Jacaylku waa dareenka ugu wanaagsan ee ay lamaane wadaagaan, xilliyada qaar waxaa dhici karta in sannooyin badan kadib aad ogaato inaan ku nooleyd qiso dhalanteed ah oo magaceedu yahay Jacayl, sida adarteed, su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxay tahay caalamada lagu garto jacaylka dhabta ah, jawaabta su’aashan ayaan sadarada soo aaddan uga hadleynaa waa sida uu sheegay website-ka “psychologytoday”

-In la isku run sheego

Caalamadaha ugu muhiimsan ee jacaylka dhabta ah waa in labada dhinac ay ka shaqeeyaan sidii dhinac walbaa uu dhanka kale ku farxad gelin lahaa, oo uu dartii waxwalba ugu huri lahaa, daacad ugu noqon lahaa, runtana ugu sheegi lahaa markii ay lagama maarmaan ay tahay.

-is faham

Waa in labada dhinac ay si wanaagsan isku fahamsan yihiin oo arrin walba isla ogol yihiin, iyo in dhinac walba uu ka fogaado inuu dhinca kale xakameeyo oo uu ra’yigiisa ku khasbo, arrin kasta way ka tashadaan, si ay uga gaaraan go’aanka ku habboon.

-Isa saamaxaad

In dhinac kastaa uu fahmi karo dhinaca kale caradiisa, waa inuu isku dayo inuu la mucaamilo oo uu isku dayo inuu dejiyo, dhibaatadana uu xal u helo ee aanuu meeshaa uga harin xiriirkana uu burburka ka dhowro\.

-Iney lamaanuhu horey isku riixaan oo ay shaqada isku garabsiiyaan

Caalamadaha ugu muhiimsan ee jacaylka dhabta ah waa in lamaanayaashu ay horey isku riixaan oo mustaqbalkooda si wadajir ah ay uga fakaraan, oo ay isku dhiirigeliyaan shaqada oo ay isku fidiyaan garabka lagama maarmaanka ah si horey loogu socdo, niyad jabinta iyo dulqaad yaridu halkan boos kuma laha.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close