Uncategorized

Waa Goob Muqaddas Ah Aragtida Dadka Deegaanka.. Arag oo Ka Bogo Goobta Uu Ku Yaallo Godkii Ay Galeen “Asxaab al-Kahfi” (Muuqaal)


Wax badan ayaan maqalnay sheekada Asxaab al-Kahf oo ay inoo sheegeen dadka inagu hareeraysan iyo culumada aqoonta u leh, waxaana hubaal ah inaad dooneyso inaad ogaato goobta ay ka dhacday qisadan cajiibka ah ee Alle S.W uu Qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay, aragtiyo kala duwan ayey dadku ka qabaan goobta uu godkaasi ku yaallo, laakiin dadka reer Adribijan waxey aaminsan yihiin in godkan muqaddaska ah uu yahay kii ay galeen Askaax al-Kahfi oo waddankoodana uu ku yaallo.

Goobta Asxaab al-kahbfi waa macbad ku yaall qeybta bari ee magaalada Nakhitashiifaan oo ah magaalo haysata xukun hoosaad gudaha Adribijaan.

Fariida Yuusufle oo ah caalimad dhanka Juqraafiga ku takhasusstay, ayaa illaa yaraanteedii maqli jirtay sheekooyin yaab badan ee ku saabsan godkaan oo uu awoowgeed uga sheekeeyay, goobtan ayaa lagu tiriyaa goobaha ugu muqaddasan,  sheekooyinkaa ayaa si aad ah u dhex galay kadib markii ay iyaduba booqatay goobihii ay sida gaarka ah uga dhaceen.

Godka markii ay ka sheekaynaysay waxey dhinac walba oo ka mid ah ay ku duubtay kaamiradii ay haystay, Yuusufli waxey tiri: “Ka Muslim ahaan, goobahan oo kale aad ayey agtayada qiimo uga leeyihiin, waxaan goostay inaan aado.”

Caalimaddan waxey tilmaantay: “In dhinacyo badan oo sheekada ka mid ah ay weli qabyo tahay.. oo xitaa la isku haysto halka uu godku ku yaallo” oo dalal badan oo kale ay sheeganayaan inuu ku dhex yaallo.

Waxaa ka mid ah, Turkiga oo la tilmaamay in goob lagu sheegay inuu yahay godkii Asxaab al-kahaf uu ku yaallo, sidaas oo kale Jorden ama Urdin kolba sidaad u taqaanno iyo weliba magaalada Torban ee dalka Shiinaha oo lagu sheegaa in godka asxaab al-Kahaf uu ku yaallo.

Caalimaddan Yuuufli marka aan u soo noqonno waxey sheegeysaa iney daahrogyo ka sameysay godkan, waxaa ii caddaatay, ayey tiri, in godkan horey loo daganaa, dhismihiisuna ay dagaan ku wanaagsan tahay qaboowga iyo kulaykana laga dugaashado.

Caalaimaddan ayaa waxey leedahay in madowga derbiga ka muuqada uu muujinayo dabkii lagu shidayay godka, isla markaana ay ku adag tahay xayaanka iyo cadowga dibadda iney gudaha godka si sahlan ku soo gaaraan.

Godkan ayaa aad caan uga ah gudaha Adirbijaan, sanad walba waxaa soo booqda kumanaan qof oo sababo diineed u gaara.

 Godkan ayaa xilliyadii hore iney dadku gaaraan ay ku adkaan jirtay, laakiin markii dambe waxa uu ka mid noqday goobaha loo dalxiiska tago waxaana loo sameeyay marinno ay dadku maraan oo u sahlaya iney gudihiisa gaaraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close