Uncategorized

Wiil Dhalinyaro Ah oo Maseyr Dartii u Cunay Maskaxda Saaxiibtii Gudaha Mareykanka! (Muuqaal)


Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa waxaa gilgilay faldambiyeed argagax badan oo ay ku nafweyday haweenay 46-jir ah, qofka la tuhunsan yahay waa nin da’diisu tahay 38 jir, sababta dilka ayaa loo aaneynayaa inuu yahay masayr ku kallifay inuu dilo oo uu maskaxdeeda cuno, qeyb ka mid ah wadnaheeda iyo labada sambabood.

Ciidamada ammaanka ayaa waxey tuhunsan yihiin, Josef ObriHansily, oo dilay saaxiibtii si uu uga aargoosto, waxa uu cunay maskaxdeeda markii uu madaxa miinshaar uga furay, waxa uu sidoo kale u cunay qeyb ka mid ah wadnaheeda iyo sambabaheeda.

Warbaahinta ayaa sheegtay in ninkan la tuhunsan yahay ee Obrahansili, oo ay boolisku ku tilmaamayaan inuu yahay dilaa dad cun ah, iyadoo ay jirto inuu dambiga qirtay bilowgii hore, ayaa hadana uu dib uga laabtay oo uu in inkiray waxwalba oo uu horey u qirtay, hadda waxa uu ku andacoonayaa inuu dambi la’aan yahay.

Booliska ayaa sheegaya in ninkan dad cunka ah uu markii hore qirtay dambigiisa, iyadoo waxyaabihii uu qirtay ay ka mid ahaayeen inuu cunay qeyb ka mid ah maskaxdeeda.

Iyadoo ay arrintaasi jirto ayuu hadana gadaal ka inkiray waxwalba oo uu sheegay in waxa lagu haystaa ay yihiin waxba kama jiraan, waxa uu ku adkaysanayaa inuu dambi la’aan yahay, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Obrahansili waxa uu sheeganayaa inuu saaxiibtiisii hore ee Balanto ay ahayd haweenay daroogada isticmaasha, waxaanuu ka qoray doqonnimo fabadan oo uu ka sheegay.

Baaritaankii faldambiyeedkan weli wuu socdaa, si loo helo faahfaahinta iyo sababihii ka dambeeyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close