arrimaha bulshadaUncategorized

Haweenay Ninkeeda Ku Edbisay Diyaarad Dhexdeed Kadib Markii Ay Aragtay Isagoo Dumar Kale Indhaha Ka Buuxsanaya (Muuqaal)


Waxaa dib loo dhigay safar duulimaad oo ay ku galeysay shirkad duulaaam oo u kala gooshaysay Miyaami iyo Los Anjalis, kadib markii haweenay careysan ay ninkeeka ku garaacday laabtoob, maadama ay ku aragtay inuu eegayo oo isha uu la raacraacayo dumar kale.

Dagaalkan ayaa waxaa duubay mid ka mid ah rakaabkii diyaaradda oo diiwaangeliyay sida ay u garaacday uguna qeylineysay ninkeeda.

Dhacdadan ayaa dhacday 21 July, waxeyna ka dhacay diyaarad dusheed, diyaaraddu waaxey ka kacaysay Miyaami waxeyn u socotay Los Anjalis.

Muuqaalka waxaa ka soo muuqanaya haweenay la yiraahdo Tiifaani Maklimoor oo ku qeylineysa ninkeeda cayna huwineysa erayadii ay ku lahayd waxaa ka mid ah: ma waxaad dooneysaa inaad eegto dumarka kale, naarta gale.

Waxa uu ugu jawaabayay, caqligii miyaad beeshay, xilligaa iyada ah ayaa shaqaalihii diyaaraddu ay isku dayeen iney dejiyaan oo ay ninka booska u bedelaan, markii uu isku dayay inuu ka boos bedesho ayey ka daba carartay oo ay labtoob ku garaacday.

Ugu dambeyn, lamaanahan diyaaraddii waa laga dejiyay, waana sababta diyaaradda dib u dhaca u keentay.

Sida ay goobjoogayaal sheegeen, haweenaydan ayaa aad u cayday ninkeeda, laakiin waxyaabihii ay ku caayeysay badankooda lama duubin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close