Uncategorized

Hees Darteed.. Aroos Ka Dhacay Dowlad Carbeed oo Dhiig Badani Uu Ku Daatay (Muuqaal)


Xaflad aroos ayaa mar qura isku bedeshay goob dhiig badan ku daatay, waxaa dhintay saddex qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, waxaa dhibaatadu ka dhacay hees xafladda laga qaaday oo dadka qaar aan cajabin, deegaanka Maxal al-Faydah ee gudaha Yuuniin Baclabak ee dalka Lubnaan.

Sida ay sheegtay jariidada al-Bayaan, dhacdadan ayaa dhacday dhex bartamaha habeenkii xafladdii oo socota ayaa la arkay xabado marqura is qabsaday iyo dhiig qulqulaya.

Macaluumaadka laga helayo ayaa sheegaya in khilaafku uu ka dhashay hees laga qaaday xafladda arooska oo dhalinyarada qaar aan aan cajabin.

Baraha bulshada waxaa ku faafay muuqaal, fanaanka Cali Yaasiin oo ka heesaya xafladda inta aan la xabadeyn oo aanuu dhiman ka hor, waxaa goobtaa ku naf  waayay, fanaanka, walaakii iyo ninkii xabadda ku dhuftay ee dilay.

Heesaagu waxa uu qaaday heesta “Mawaal”, wiil dhalinyaro ah ayaa heestii ku qanci waayay, waxa uu amray in la dilo fanaanka iyo walaalkii, arrintaas oo dhanka kale keentay in isagana xabbad lagu tuuro oo goobta lagu dilo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close