Uncategorized

Itoobiya oo Jabisay Record Caalami ah oo U Yaallay Dhir Beeridda .. Labo Bilood Gudahood Ayaa Waxaa U Qorsheysan Iney Beeraan 4 Bilyan oo Geed


Itoobiya ayaa waxey jabisay record horey u yaalla oo ku aaddanaa beeridda geedaha, waxey beereen 200-milayan oo geed muddo 12-saacadood ah oo qura.

Dalka Itoobiya ayaa lagu beeray geedo ka badan 200-milayan oo geed, waxey ku qaadatay maalin barkeed, qorshuhu waxa uu ahaa in hal-maalin lagu beero, qorshuhu waa in la beero hal-bilyan oo geed xagaagan, waxaa ka qeybgala ol’olahan mas’uuliyiin sarsare iyo shacabka qeybihiisa kala duwan.

Recordkii hore ayaa waxa uu u diiwaangashaan dalka India, waxaa dalkaa lagu beeray 66-milayn oo geed muddo 12-saacadood ah, waxaana ka qeybgalay 1.5-milayan oo qof ol’olahaas ballaaran sanadkii 2017.

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abi Axmed iyo mas’uuliyiin xukuumaddiisa ka tirsan ayaa waxey geedo ku beereen magaalada Arbaaminshi, ee koonfurta waddankaasi, waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Abi Axmed, ayaa bishii May bilaabay barnaamij taariikhi ah oo heer Qaran ah oo lagu dhireynayo Itoobiya, waa mashruuc  la magac baxay “dhireynta Waddanka”, waana qeyb ka mid ah yoolka xukuuumadda waddankaasi oo doonaysa in la beero 4-bilyan oo geed xilli roobaadka sanadkan.

Ol’olahan ayaa illaa iyo hadda waxaa la beeray 2.6-bilyan oo geed oo daafaha kala duwan ee Itoobiya lagu tallaalay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close