Uncategorized

Awoodda Doonista… Qisada Haweenay Suuriyaan ah oo 27 sanno Kadib Qaadatay Shahaadada “ Baccalaureate”


Iskuulka ay ka tagtay 27 sano iyadoo maraysa fasalka 11aad ayey mar kale dib ugu laabatay oo ay hadda dhammeystay, waxey ku guursatay 17-jir oo iskuulka ayey iskaga baxday xilligaas.

Axlaam al-Xalluuni hadda waa 43-jir, waxey ku nooshahay baadiyaha magaalada Xamaa ee dalka Suuriya, waxey awood u yeelatay hadda iney ka gudubto dugsiga sare si guulleh, waxaana dalka Suuriya looga yaqaanna imtixaanka “ baccalaureate”, waxey sheegtay iney waxbarashada marwalba ka geli jirtay kaalmaha hore, waxey tiri: “Caruurtayda arrintaas ayaan ku barbaariyey iney marwalba noqdaan kuwa ugu horreeya ee waxbarashada kaalmaha hore ka gala.”

Axlaam waxey tiri: “Wiilkayga waa injineer dhanka computerka ah, waxaana aan ku qanciyey inuu waxbarashadiisa sii wato marka uu jaamacadda dhammeeyo, gabadh waxey ka baxday kulliyadda Fiisikiska, wiil kale waa injineer dhanka korontada ah, waxaan aad u jecelahay jawiga waxbarasahda, sidaa darteed; nafteyda waxaan ku qanciyey iney waajib tahay inaan waxbarashadeyda sii wato, maxaa yeelay; cilmigu uma xayirna da’ goonni ah.”

Haweenaydan ayaa tusaale u ah dumar badan oo waxbarashada ay ka kala go’day xaalad la soo daristay ama guur ay galeen darteed, nolosheeda ayey sii wadatay oo waxbarashadeedii dugsiga sare ayey hadda dhammeysay, waa 27sano kadib,  iyadoo ay jirto iney muddo dheer ay ka maqneyd saaxada waxbarashda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close