Uncategorized

“Bakteeriya” Awood Badan oo Dilaa Ah oo Weerar Ku Ah Isbitaallada iyo Goobaha Danta Guud ee Gudaha London!


Saynisyahanno ayaa ogaaday oo qirtay iney faaftay bakteeriyo awood badan oo aan lagula dagaalami Karin noocyada kala duwan ee antibiotic ah, bakteeriyadan ayaa lagu arkay goobo badan oo dadweynaha loogu adeego uu ku yaalla gudaha London.

Saynisyahannada ayaa ogaaday in bakteeriyadani ay ku dhuumaneyso gudaha aaladaha lacagta laga sarrifto, biraha la qabsado ee jaranjarooniska iskood u socda, biraha la qabsado ee tareenka dhulka hoostiisa socda, sidaas oo kale suuqyada laga tukaameyso iyo isbitaallada waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Khubaradan ayaa waxey carrabka ku adkeynayaa in bakteeriyadan awoodda badan ay khatar dhab ah ku tahay caafimaadka guud, Hermine Mkrtchyan oo ah haweenay ku takhasustay culuumta caafimaadka kana tirsan jaamacaddda bariga London oo wax ka diyaarisay daraasaddan ayaa u sheegtay joornaalka “Scientific Reports” Khamiistii “Waxaan arkay heer welwel leh marka la eego awoodda bakteeriyadani ay u leedahay iney iska difaacdo daawooyinkii lagula dagaallami jaray ee antibiotic –ga ahaa.”

Waxey caddeysay: “Goobaha danta guud, waxey ka mid tahay nolol maalmeedkeenna, waxeyna noqon kartaa haamo kayd u ah bakteeriyadan awoodda u leh iney iska difaacdo daawooyinka.”

Koox saynisyanno ah oo arrintan daraasad ka sameeyay ayaa waxey uruuriyeen 600 oo sample oo ka mid ah nooca bakteeriyada loo yaqaanno  Superbugs “Staphylococci”, bakteeriyadan ayaa waxey ku badan tahay goobaha danta guud , isbitaallda bariga iyo galbeedka London, waxeyna ogaadan in sample kii ay qaadeen 281 ka mid ah uu noqday bakteeriyada awoodda badan ee daawada iska difaacda.

Goobihii sample-ka laga qaaday ee la baaray waxaa ka mid ahaa, albaabada masqulaha, tubooyinka biyaha, fadhiyada masqulaha, aaladaha sarifka ee lacagaha lagala baxo, tiirarka janjarooyinka iyo biraha la qabsado ee tareennada dhulka hoostooda mara.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close