Uncategorized

Daahrog Cusub.. Badbaada Wadnaha Aadanaha oo Laga Baadigoobayo “Daabacaadda” !


Saynisyahanno ayaa markii ugu horreysay waxey gaareen daahrog cilmiyeed oo suurtaggal ka dhigaya in la badbaadiyo wadnaha aadanaha iydoo la adeegsanayo “daabacaad”

Saynisyahannadan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa u suurtagashay iney beeraan wadne iyagoo isticmaalaya daabacadda 3D  oo loo adeegsaday hormoonaad aadane.

Joornaalka la yiraahdo Science ee cilmiga ah ayaa faafiyey warbixin ku aaddan sida Saynisyahannadan Mareykanka ah ay ugu suurtagaleyso iney beeraan wadne dhammeystiran iyagoo adeegsanaya maadada al-Koolaajiin ee asal ahaan laga helo jirka aadanaha.

Saynisyahannadan ayaa hadda waxaa u suurtagashay iney  beeraan qeybo ka mid ah wadnaha, iyagoo adeegsanaya daabacadda 3D una isticmaalaya qalab aad u horumarsan.

Daabacaaddan ayaa loo adeegsadaan in lagu soo saaro qeybo dhib badan oo jirka aadanaha ka mid ah oo aad u heersarreeya.

Joornaalkan cilmiga ah waxa uu ka soo xigtay Adam Feinberg, oo ah professor ka tirsan kullyadda caafimaadka ee Biomedical Engineering ee jaamacadda Carnegie Mellon ee gobolka Pennsylvania ee gudaha Mareykanka inuu yiri: “Bilowgii hore waxaa noo suurtagashay inaan daabacno Heart valve oo aan ka sameynnay Kolajiin.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey:  “Kadib waxaa noo suurtagashay inaan qeybo kala daabacno, hadda waxaan ku gudo jirnaa sidii aan ugu beeri lahayn jirka xayawaanka.”

Waxa uu tilmaamay in maadama Collagen lagu tilmaami karo iney tahay maaddo ku haabboon in wadne laga beero, madaama laga heli karo tissues-ka jirka aadanaha oo dhan, gaar ahaan marka la bedelo tirada Haydrojiinka, si mid adeyg xigeen ah looga dhigo intii ay ahaan lahayd maaddo dabacsan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close