Uncategorized

523 ilig oo Laga Siibay Afka Ilma Yar oo India u Dhashay (Muuqaal)


Dhakhaatiir ku sugan gudaha India, ayaa Arbacadii sheegay iney ilma yar oo 7 jir ah ay ka siibeen 526 ilig iyo gowso iskugu jira, ilmahan yar ayaa waxaa haystay xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn.

Ilmahan yar ayaa waxa uu la dhibaatoonayay caabuq ka haleelay dhanka midig ee cirridka afkiisa illaa yaraantiisii laga soo bilaabo markii uu saddex jir ahaa.

Baaritaankii caafimaad ee lagu sameeyay ayaa waxey muujinayaan in ciridkiisa ay ka soo baxeen ilko farabadan oo kala duwan.

Dhakhaatiirtu waxey sheegeen in xaaladda wiilkan yar ay tahay mid naadir ah, waxeyna ku sheegeen inuu yahay caabuq dhib badan oo ka heleelay dhanka ilkaha.

Sanadkii 2014 ayaa sidan oo kale, wiil yar oo kuray ah laga siibay 232 ilig, wiilkan ayaa iskana u dhashay India, waxa uu ku dhaqanaa magaalada Mombay ee dalka India.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close