Uncategorized

Birta Lafaha Lagu Kabo oo Laga Helay Caloosha “Yaxaas” Weyn oo Ku Soo Caariyey Gudaha Australia (Muuqaal)


Dunda waxaa si weyn loo daneeyaa marka uu Yaxaas weyn dhinto, calooshiisa ayaa la jeexa si loo baaro sirta badan ee ku jirta gudaha caloosha.

Jon Lifar, oo ah aasaasaha beerta Koroona  ee yaxaaska, ayaa waxa uu yiri,  marwalba waxyaabo yaab badan ayaan ku aragnaa caloosha yaxaaska,,, si gaar ah ayaan marwalba u eegnaa marka uu dhinto Yaxaas weyn.

Milkiilaha beerta yaxaaska lagu xanaaneeyo ee ku taalla gudaha Australia waxaa lama filaan ku noqotay kadib markii ay caloosha Yaxaaska ka heleen birta lafaha lagu kabo, yaxaaskana ayaa dhirirkiisu yahay 4.7 mitir.

Ma aanan fileyn inaan birta lafaha lagu kabo ka heli doonno caloosha yaxaaska,,, laakiin hadda waxaa tan oo waan aragnay xaqiiqdii waana arrin fiiro gaar ah mudan,,,

Yaxaaskan ayaa soo caariyey bishii Juun, waxa uu ku dhintay beerta Karoona ee Yaxaaska oo  ku taalla meel u dhow mgaaalada Rook-Hambiton ee gobolka Kuwinsland ee gudaha Australia.

Warbixinta oo Dhammeystiran Kaga Baro Muuqaalkan Hoose:

Goobjoog Edu

Related Articles

Close