Uncategorized

Wixii Hore Iska Illow.. 5 Talo oo Ku Aaddan Sida Looga Adkaado Dareenka Murugada (Muuqaal)


Qofku waxa uu murugo dareemaa marka uu waqti xuni soo maro ama shay noloshiisa qaali ku ah uu waayo, sida in uu Jacayl ka fashilmo ama qof kale oo qaraabadiisa ah oo agtiisa qaali ka ah uu waayo, waa qaar ka mid ah sababaha murugada keena, waxaa kugu adkaaneysa inaad arrimahaaga gaarka ah aad hagaajiso, sida; shaqadii iyo arrimihii muhiimka kuu ahaa oo kugu adkaada.

 Hadaba,  waxa uu qofku u baahan yahay talooyin ku aaddan sida muruga loo jabiyo, waa sida uu qoray website-ka WikiHow.

Talooyin ku aaddan sida dareenka murugada leh looga taqaluuso

  1. Daraasaadka la sameeyay qaarkood waxey tilmaamayaan in oohinta lagu nafiso oo jirka aadanaha ay u roon tahay xilliga murugada, xilligaa jirku waxa uu soo saarayaa Endaroofiin oo ah maaddo kiimikeed oo dabiici ah, aadanaha waxa uu ku dareemaa nafis marka uu jirku soo saaro maadadaas, sidaas oo kale oohintu waxey u roon tahay oo ay firfircooni gelisaa neerfayaasha jirka welwelka wey ka fududeysaa, sidaa darteed; waxaa lagu talinayaa oohin si uu qofku uga taqaluuso dareenka taban ee qofku uu dareemayo.
  2. Sidaas oo kale, waxaa lagu talinayaa inuu qofku sportska ciyaaro, daraasadaha arrintan laga sameeyay waxa ay muujinayaan in Sportsku uu sidoo kale jirka ka soo saaro Endroofiin iyo maaddoyin kale oo kiimikeed, kuwaas oo jirka ka garabsiiya inuu  ka taqaluuso dareenka murugada, qofku firfircooni ayuu ka helaa iyo xasillooni, sidaas oo kale feejignaanta ayuu ku xoogeysata.
  3. Qofka waxaa waajib ku ah inuu dhoollacaddeeyo si joogto ah, gaar ahaan maka uu murugo dareemayo, arrintaasi nafis badan ayaa laga helaa.
  4. Halkan waxaa lagu talinayaa qofku inuu dhageysto waxa uu jecel yahay, sida; heesaha uu xiiseyo, arritaan nafis ayaad ka helaysaa iyo farxad, gaar ahaan marka aad dhageysato music-ga Kalaasigga ah.
  5. Sidaas oo kale waxaa lagu talinayaan inaad ku qubaysato biyo qabow, daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qabawga oo lagu maydho uu jirku ku nafiso, neerfayaashuna wey ku dagaan oo ay ku xasilaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close