Uncategorized

Dumarkaa Ku Wanaagsan Mihnaddan.. Daraasad Cusub oo Sugtay Iney Dumarku Kaga Sarreeyaan Ragga Dhanka Maamulka Ganacsiga (Muuqaal)


Waxaa kala duwan shaqooyinka maamul iyo dadka maamulayaasha ah, waxaa weli socda dood ku aaddan yaa ku wanaagsan maamulka ragga iyo dumarka.

Dumarka waxaa loo aqoonsan yahay iney ka maamul fiican yihiin ragga, dumarku ragga waxey kaga horreeyaan xirfadda maamulka, waa sida lagu ogaaday daraasad ay sameysay “Gallup” oo ah shirkad bixisa la-talinta dhanka maamulka, isla markaan uu daabacay wargeyska ”indiatimes”.

Daraasaddan ayaa waxey saameysay illaa 27-milyan oo shaqaale ah oo ku dhaqan daafaha kala duwan ee dunida, waxaa aad uga dhex muuqda cududda dumarka marka loo barbardhigo tan ragga, dumarku waxey aad ugu sarreeyaan howlgelinta shaqaalaha oo ay aad uga wanaagsan yihiin ragga.

Shaqaaluha markii ay maamule u tahay gabar aad ayey u shqeeyaan niyadooduna u dhisan tahay, ku darso awoodda dhiirrigelinta oo ay dumarku kaga sarreeyaan ragga, halka shaqaalaha intooda badan aaney diidmo ka horkeenin maamulahooda dumarka marka ay howl u dirto.

Daraasaddani sida ay sheegtay, dumarka maamulaha noqdaa deegaan shaqo oo aad u wanaagsan ayey u diyraariyaan shaqaalahooda, waxeyna siiyaan fursad ay naftooda ku horumariyaan.

Iyadoo ay jirto iney dumarku kaalin muuqata ka galeen dhanka habmaamulka shaqada ayaa hadana ay weli la dhibaatoonayaan iney ragga la sinaadaan dhanka mushaarka, oo illaa iyo hadda ay ku fashilan yihiin shirkadaha waaweyn ee dunida iney mushaarka u simaan ragga iyo dumarka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close