Uncategorized

Sucuudiga oo Markii Ugu Horreysay Isticmaalaya Robot Dhkhatar ah oo Loogu Adeegayo Xajeyda Sanadkan Ka Qeybgaleysa Xajka (Muuqaal)


Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga ayaa dooneysa inta lagu guda jiro Xajka sanadkan iney hirgeliso qalab “Robot” ah oo loogu talagalay la-talinta caafimaad oo ay isticmaali doonaan shaqaalaha caafimaadka ee ku sugan xarumaha caafimaad ee Muna, qalabkan ayaa waxa uu saaran yahay gawaadhi kolba meeshii looga baahdo la geynayo.

Qalabkan casriga ah ayaa waxa uu kugu xirayaa dhakhaatiir takhasus ah oo talooyin caafimaad ku siinaya oo laga heli karo goob kasta oo Sucuudiga ka mid ah, isbitaal kasta ayaa lagu gaarsiinayaa adigoo goobtaada aan ka dhaqaaqin si mala awaal ah oo adigoo tagay oo kale laga dhigayo, waxa lagu gaarsiinayaa sariir humaag ah oo ka dhigan inaad isbitaalkii joogto oo kale, waxaana lagu siinayaa talooyinka aad u baahan tahay iyadoo la isticmaalayo qalab smarts ah oo 4G ku shaqeynaya.

Dhakhaatiirta Xajka joogta ayaa loo tababaray sidii ay qalabkan u isticmaali lahaayeen, waxaa lagu xiray dhakhaatiir jooga Jiddah iyo Riyaad si ay ugu adeegaan martida Baytka Alle Xajiyaysa.

Qalabka Robotka caafimaad oo la yiraahdo “Robo Doctor”, ayaa waxa uu wataa sameecado, kaamiryooyin, qalab dhagaha lagu baaro iyo mid indhaha loogu talogalay, kaamirooyin gaar ah oo jirka lagu baaro, iyo qalabka kale oo lagama maarmaan u ah ee ay dhakhaatiirtu wax ku baaraan, dhakhaatiirtu iyagoo goobahooda caafimaad ee magaalooyinka fogfog ku sugan ayey halkaa kaasoo siinayaan talooyin caafimaad, halka qalabkan uu yahay mid caalami ah oo lagu kalsoon yahay, si heersare ahna u gaarsiinaya warbixintaada goobtii loo baahnaa.

Kooxda caafimaadka electarooniga ku shaqeysa ayaa saacad walba diyaar ah si ay xaaladda Xujeyda ula socdaan nidaamkanna ay u howlgeliyaan, si ay dadka u siiyaan adeeg hufan oo aad u heersarreeya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close