Uncategorized

“Franky Zapata” oo Noqday Qofkii Ugu Horreeyay ee Channel Badeedka Ingiriiska ee Hoverboard Ku Dhaafay Loox Duula (Muuqaal)

Ninka reer France ee duulaaga ah ee Zapata ayaa waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay taariikhda ee loox duula ku dhaafay channel badeedka Ingiriiska jet-powered hoverboard waxa uu ku dhaafay loox duula oo ku shaqeeya Koroosiin, waxa uu u muuqday sidii inuu yahay oo kale shaqsi khiyaali ah oo ka mid ah jilaaga filim atoorayaal lama loodiyaan ah ay wadaan.

Wiilkan dhalinyarada ah ee 40-jirka ah ayaa waxa uu u duulay dhanka waadiga cad ee ku yaalla gudaha Dofar oo ka tirsan xeebta Sangaati ee Kaaliyah, saacaddu marka ay ahayd 7.16-subaxnimo ee saacadda UK , iyadoo ay daawanayaa dad aad u farabadan, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Ilbiriqsiyo gudahood, ayuu samada ku galay, waxa uu u muuqda sidii inuu yahay shaqsi filim jilaya oo si khiyaali ah wax u matalaya.

Mar qura ayaa dadkii daawanayay xamaasadoodu kacday, waxaana dadkii ku soo biiray xaaskiisa 7.39 daqiiqo, kadib markii uu hawada ku jira 23-daqiiqo, ayuu Zabata oo guul gaaray uu ku soo dagay gacanka Bargareyt ee gudaha Kinti, si uu u noqdo qofkii ugu horreeyay gacanka Ingiriiska ku dhaafa loox yar oo duulaya.

Faranki isagoo hawada ku jira ayuu labadiisa gacmood kor u taagay si uu ugu dabbaaldago guushiisa, iyadoo illintu ay ka daadaneyso, isla markaasna rumeysan kari la’ guusha uu gaaray, saxafiyiintii sugayay ayuu u sheegay  wax dhibaato ah ma jirin, waad mahadsan tihiin kooxdii ila shaqeynaysa iyo xaaskeyga.

Hadalkiisa isagoo sii wata ayaa waxa uu yiri: “shantii kiilo mitir ee ugu dambeysay aad ayaan ugu bogsanaa oo ay naftaydu u jeclaysatay, waa arrin taariikhi ah, aniga maaha qofka arrintan go’aaka ka gaaraya, aaladdan waxaan sameynnay saddex sanno ka hor, hadda gacankii ayaan ka gudbay, arrin aan la rumeysan Karin ayeyna ila tahay.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close