Uncategorized

Dhakhtarad Asalkeedu uu India Kasoo Jeedo oo Ku Guuleysatay Boqoradda Quruxda Ingiriiska ee 2019 (Muuqaal)


Dhakhtarad Ingiriiska ah oo asalkeedu uu India ka soo jeedo, ayaa ku guuleysatay boqoradda Quruxda Ingiriiska ee 2019, kadib markii ay tartan adag la gashay boqolaal dumar oo aad u qurux badan oo u tartamayay iney ku guuleystaan tartanka Quruxda UK.

Gabadhan oo la yiraahdo Bhasha Mukherjee (23-jir ah), ayaaa waxey ku dhalatay dalka India, iyada iyo qoyskeedu waxey Ingiriiska u soo guureen markii ay 9-sano jir ahayd, qoysku waxey ku nagaadeen gudaha Ingiriiska, gabadhan ayaa heer  (I.Q) uu gaarsiisan yahay 146 dhibcood,  waana arrin ka dhigaysa iney ka mid tahay dadka cabqariyadda leh ee caqligoodu uu sarreeyo, waxey haysataa labo shahaado oo caafimaad, waxeyna ku wanaagsan tahay 5-luuqadood oo ay ku hadasho.

Arrinta in si gaar ah loo fiiriyo mudan waa in qisada gabadhan quruxda badan ee Mokheriji, ay horey ka bilowday shaqadeedii dhakhtarnimo saacado un kadib markii lagu dhawaaqay iney ku guuleystay tartanka quruxda Ingiriiska oo ay noqotay gabadhan ugu quruxda badan dalkaasi 2019.

Bayjka ay ku leedahay Instagram-ka ayey ku sheegtay: “Waxaan doonayaa inaan la qabsado inaan noqdo gabadhii ugu horreysay ee asalkeedu yahay India ee ku guuleysta tartanka quruxda Ingiriiska, waxaan ku faraxsan nahay inaan ahay boqoradda Quruxda Ingiriiska.”

Kadib markii lagu dhawaaqay iney ku guuleystay boqoradda Quruxda Ingiriiska, ayaa Mukhiriji waxa ay matali doontaa Ingiriiska oo ay uga qeybgali doontaa tartanka Quruxda aduunka ee 2019, halka ay nafteeda u qorsheysay safar dalxiis oo ay ku gaari doonto jasiiradaha Muriishiyoos.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close