Uncategorized

Xeelad Yaab Badan Ayuu Sameeyay Si uu Uga Baxsado Xabsi Si Aad Ah Loo Ilaaliyo… Maxaase Qabsaday? (Muuqaal)


Hogaamiye koox maafiyo ah oo ka dhisan dalka Brazil ayaa waxa uu sameeyay xeelad yaab badan si uu uga baxsado xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaalla gudaha dalkaasi.

Booliska Brazil ayaa sheegay Axaddii, in hoggaamiyaha kooxdan maafiyada ah ee la yiraahdo Klaawfiino de Silfa, uu ka faa’iidaystay booqashada gabar uu dhalay oo 19-jir ah oo xabsiga ku booqatay, qaabkeeda ayuu isku ekeysiiyay isagoo xirtay weji maaskaro ah oo gabadha loosoo ekaysiiyay, waxaanuu xabsiga kaga tagay gabadhiisa yar, si uu booliska u marin habaabiyo.

Booliska ayaa sheegay in eedaysanahani uu yahay hoggaamiye koox maafiyo ah oo loo yaqaanno kooxda Casaanka, kooxdan ayaa ka mid ah maafiyada ugu awoodda badan gudaha Brazil, waxeyna ka ganacsadaan mukhaadaraadka.

Mas’uulkii xabsiga ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyahan oo lagu naaneyso“Shortili”, uu isku dayey inuu ka baxsado xabsiga Giriisiniyo, oo ku yaalla galbeedka Riyo-dijineero, isagoo xiran dharkii gabadhiisa, maaskaro Silikoon laga sameeyay iyo tin buruko ah, laakiin welwelkiisa ayaa fashiliyey oo keenay in si fudud loo fahmo, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Maamulka xabsiyada Brazil ayaa faafiyeen muuqaal muujinaya hoggaamiyahan kooxda maafiyada ah isagoo iska siibaya maaskaradii uu watay ee Silikoonka ka sameysneyd, iyo tin buruko ah oo aad u dheer.

Boolisku waxa ay baaritaan ka fureen kaalinta gabadhiisa yar ay ku leedahay inuu aabaheed isku dayo inuu baxsado, Shorlitoon hadda waxaa loo wareejiyay xabsi kale oo ilaaladiisu ay aad uga xooggan tahay kii hore, waxaana la filaya in la marsiiyo ciqaab daran oo lagu edbinayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close