Uncategorized

Sideed Loo Sameeya Maa’ul-wardiga Ugu Wanaagsan Adduunka? (Muuqaal)


Maalmahan, biyaha Ubaxa ee (Maa’ul-wardigu), waa model ku cusub dhanka Quruxda, laakiin waxaa la isticmaali jiray qarniyo ka hor, asal ahaan waxaa uu ka soo jeedaa (Maahi) oo ah halka hadda Loo yaqaanno Iran, illaa xilligan aan joogno waa qeyb dhaqanka halkaa ka jira ka mid ah.

Si loo helo biyaha ubaxa ee ugu fiican adduunka waa inaad aaddo deegaanka Qumsur ee ku yaalla gudaha Iran, halkaas waxaad kula kulmeysaaa Muxsin oo ka soo jeeda qoys magac weyn ku leh oo lagu yaqaanno sida biyaha ubaxa ee Maa al-wardiga loo sameeyo.

Magacaygu waa Muxsin Qafaari Muqadam, waxaan ka mid ahay dadka ugu caansan ee biyaha maa al-Wardiga ka sameeya gobolka,,, shaqsi ahaan waxaan ka shaqeynayay sameyntiisa nus-Qarni.

Waxaa jira duruufo khaas ah oo lala eegto mark maa al-Wardiga la sameynayo, sida Ciidda iyo heerkulka oo si gaar ah muhiimad u leh, tayadu maaha wax khiyaaligeenna aan ka suureysanayno, sababtun waa Qumsur waxey ku taalla meel gaar ah oo waxaa ku hareeraysan duruuf goonni ah, duruuftaa gaarka ah waa sida; ciidda wax lagu beerayo iyo heerkulka,,, heerka badda iyo dabeylaha deegaanka soo gaara,arrimaahas oo is biirsaday waxey Qumsur ka dhigeysaa meel ku habboon in ubaxa lagu beero,,, oo ubax badan ayaa ka soo go’a beeraheeda.

Si Aad u Daawato Warbixinta oo Dhammeystiran Riix Linkigan Hoose:

https://edu.goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/sida-loo-samee-maaul-wardiga-.mp4

Goobjoog Edu

Related Articles

Close