Uncategorized

Xujeyda oo Ku Sii Qulqulaya “Banka Carafa” Si Ay u Gutaan Rukniga Ugu Weyn ee Xajka


Laga soo bilaabo subaxnimada Sabtida , boqolaal kun oo qof oo Xujey ah ayaa bilaabay iney ku sii qulqulaaln banka Carafa, si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee arkaan Xajka.

Kumanaan teendho ayaa lagu sii diyaariyay Carafa si Xujeyda loogu qaabilo, teendhooyinkaa waxaa loo dhammeystiray waxyaabihii muhiimka ahaa ee lagama maarmaanka ahaa, sida; dhulka in la simo, fayoobi qabkiisa la eego si wanaagsan loo goglo.

Maalinta Carafa, oo waafaqsan maalinta Sagaalaad ee bisha Dul-xijjah, Xujeydu waxey waqtigooda ku qaataan cibaado iyo dikirga Alle (S.W) iyo iney Takbiirsadaan iyagoo rajeynaya in dambigooda la dhaafo ducadoodana la aqbalo.

Maamulaha Ammaanka guud ee Sucuudiga, ayaa habeennimadii Jimcaha Sheegay in Hal-milyan iyo 100-kun oo qof ay gaareen Muna, halka 100-kun oo Xaajina ay gaareen banka Carafa, halka 800-kun oo Xaajina la filayo iney Subaxnimada Sabtida gaaraan Carafa.

Xujeydu waxey dhageysan doonaan Khudbadda “maalinta Carafa” oo laga soo jeedinayo masaajidka al-Namra oo ku yaalla galbeedka Mashcar al-Xaraam, kadib salaadaha Duhur iyo Casar ayey isku darayaan oo ay gaabinayaan(labo lakco ayey mid walba ka tukanayaan), kadib inta aaney u rogman dhanka Musdalifa, marka ay qorraxdu dhacdo ka dib.

Xujeydu waxey seexan doonaan Musdalifa, halkaas oo ay dhaggax tuurka ka sameyn doonaan maalmaha ciidda ee Ayaam al-Tashruuqa loo yaqaanno ee Saddexda maalmood ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close