Uncategorized

20-Dal oo Ay Maanta u Tahay Maalinta Koowaad ee “Ciid al-Adxaa”


20-dal ayey maanta u hayd maalinta koowaad ee Ciid al-Adxa, dalalkan ayaaney u suurtagelin iney arkaan bilashada bisha Dul-xijja, oo waxey dhammeystireen saddonka Dul-Qacada, markaa maanta oo Isniin ah ayey u ahayd maalinta koowaad ee maalmaha cidda.

20-ka dal ayaa kala ah; India, Pakistan, Bangladesh, Iran, Sri Lanka, Oman, New Zealand, Australia, Morocco, Kenya, South Africa, Zimbabwe, Zambia, Mozambique, Malawi, Tanzania, Trinidad and Tobago, Guyana, Britain, Mauritania.

Maamulaha xarunta culuumta Astronomy ee dalka Imaaraatka Maxamed Cowdah, ayaa caddeeyay: “Waa fikir khaldan in dadka qaar ay iska dhaadhiciyaan in dhammaan dowlahda dunida Islaamku ay ku xiran yihiin Sucuudiga dhanka cayimidda maalinta ay ciiddu noqoneyso, sababta Xajka awgeed, macluumaadkaasi wuu khaldan yahay, maxaa yeelay; kala bar dunida Islaamku waxey awoodaan iney bisha arkaan, oo ay aasaas uga dhigtaan aragtidaas waqtiga ay ciiddu al-Adxaa noqoneyso.”

Cawad waxa uu carrabka ku adkeeyay, in Xajku uu shey yahay Ciidduna ay shey kala tahay oo ay kala duwan yihiin, waxa uuna tilmaamay in dowladaha Islaamku ay xadidayaan maalinta ay noqoneyso ciidda al-Adxaa gudaha dalkooda iyagoo aragtida bisha wax ku dhisaya,”Dhanka sharcigana arrintaasi waa aqbal oo waxba kuma jabna.”

Si kastaba, Maallinimadii shalay ayey Xujeydu guteen rukniga ugu weynaa ee arkaanta Xajka oo waxey taagnaayeen banka Carafa, dalalka Islaamka intiisa badan shalay ayey u ahayd maalinta koowaad ee Ciid al-Adxaa, dalkeenna Soomaaliya ayaana ka mid ahaa dalalkaasi.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close