Uncategorized

Sawirka Askari Sucuudiyaan ah oo Qabsaday Baraha-bulshada Aadna Loo Hadalhayo


Baraha-bulshada waxaa si aad ah u qabsaday sawir laga qaaday askari Sucuudiyaan ah oo garabsiinaya Xaaji waayeel ah oo daallan oo ay ku adkaatay inuu socdo, si uu u guto waajibaadka Xajka ee goobaha kala duwan loo kala soconayo.

Askarigan ayaa odayga ku qaaday labadiisa gacmood isagoo dhoollacaddeynaya, si ay ka muuqato bani’aadamnimo iyo akhlaaq aad u heersarreysaa, odaygan ayaa ka lumay kooxdii uu la socday.

Sawir qaadihii dhacdadan oo la yiraahdo Almuihij, oo la hadlay “Gulf365”, ayaa sheegay inuu sawirkan qaaday maalintii Carafo.                                                                                                                                                                                                               
Waxa uu hadalkiisa ku daray, inuu Xajka ka qeybgalay dhowr jeer oo hore, waxa uu sheegay in sawirrada ciidanka uu xiiseeyo,  laakiin sawirkani uu ahaa kii ugu saameynta badnaa aadna uu u qabsaday Baraha-bulsahda, maadama uu xambaarsan yahay macno akhlaaq sare iyo sida wanaagsan ee loola dhaqmay Xujeyda baytka Alle ku sugan.

Sawirkan ayaa durtabada, waxaa loo sharraxay inuu ka mid ah sawirrada u tartamaya abaalmarinta Makka ee warbaahinta, qeybta sawirrada.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close