Uncategorized

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dadka “Gurran”.. Xaqiiqooyin Ku Aaddan Dadaka Bidixda Isticmaala


Dunida sanad walba marka la gaaro August 13, waxaa loo dabbaaldagaa maalinta caalamiga ah ee dadka gurran, si loo dhiirrigeliyo dadkaasi, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in dadka lagu wacyigeliyo qiimaha iyo astaamaha u goonnida ah ee dadka gurran ee bulshada ku dhex nool.

Dean R. Compbell, oo ah aasaasihii ururka caalamiga ah ee dadka Gurran(bidixdooda isticmaala), ayaa markii ugu horreysay u dabbaaldagay maalintan sanadkii 1976, si dadka loogu wacyigeliyo wanaagga iyo ceebaha dadka bidixda wax ku qora ay leeyihiin.

Wixii xilligaa ka dambeeyay xafladu sanad walba wey dhaceysay oo si sanadle ah ayaa loogu dabbaaldagayay maalinta caalamiga ah ee dadka gurran, waxaase si rasmi ah loo asteeyay maalintan August 13, 1997.

-Xilliyadii hore dadka gacanta ee bidixda isticmaala si taban oo aan wanaagsaneyn ayaa loo  arki jirey, iyadoo xilliyada qaar caruurta gurran lagu khasbi jiray iney midigta wax ku qoraan, cadaadis uga yimaadda dhanka waalidkood iyo macallimiinta waxbarta oo aan u kala harin.

Xaqiiqooyin ku aaddan dadka gurran ee bidixdooda isticmaala.

  1. Dadka gurran waxey dadyowga dunida ka yihiin 10%, xaaladduna sidaas ayey ahayd kumanaan sanno ka hor.
  2. Taariikh ahaan, dadka gurran, waxey ahaayeen dad la liido, waxaana lala xiriirin jiray sixirka iyo khuraafaadka.
  3. Xilliyadii dhexe, in gacanta bidix la isku salaamo waxey ka dhigneyd calaamad muujisaneysa inaan wax ixtiraam ah la isku hayn.
  4. Giriirrgii hore ee Romanku faraantiga guurka waxey ku xiran jireen gacanta bidix, maadama ay aaminsanaayeen iney tahay wadada kaliya ee looga badbaadi karo sharta la  xiriirka gacanta bidix.
  5. Eray bixinta “bidixda” ee la xiriirta dhanka siyaasadda waxey soo baxday sagaashamaadkii qarnigii hore, xilli ay fariisteen qolooyinka xisbigii hanti wadaagga oo dhanka bidix ee guddoomiyaha baarlamaanka kacdoonka ee gudaha Faransiiska, axsaabta bidixda waxaa loo aqoonsan yahay iney yihiin kuwo ka soo horjeeda maslaxadda indheergaradka bulshada.

Dad caan ah oo gurran bidixdoodana isticmaala

  1. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama

    2. Artist-istihii caanka ahaa ee , Leonardo da Vinci.

    3- Actress, Drew Barrymore.

    4.Actor, Tom Cruise

    5. Wiilka ay ayeeyada u tahay boqoradda Ingiriiska ee , Prince William.

    6. Ciyaaryahankii weynaa ee Kubadda Cagta, Pele.

    7- Cirbixiyeenkii caanka ahaa ee  Neil Armstrong.

    8. Pphilosopher-kii caanka ahaa ee  Aristotle.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close