Uncategorized

Si Mucjiso Leh Ayuu Ku Badbaaday Kadib Markii Ay Qabsatay Koronto 6-kun oo Volts ah (Muuqaal)


Internetka waxaa ku faafsan oo si aad ah loo daawaday muuqaalka  dhacdo yaab badan ka dhacay gudaha warshad macdanta soo saarta oo ku taalla gobolka Mormansik ee dalka Ruushka.

Nin shaqaale ah oo korontada ka shaqeeya ayaa ay qabsatay koronto 6-kun oo Volts ah.

Dhacdadan ayaa dhacday July-dii hore,  laakiin guddigii baaritaanka ee dhacdadan loo xil saaray ayaan muuqaalka sii dayn xilligaas, laakiin hadda un ku faafiyay baraha bulshada.

 Muuqaalka waxaa ka muuqda xilligii ninkan  shaqaalaha ah ay korontadu qabsaneysay xilli uu kaybal siibayay oo shaqadiisa caadiga ah uu ku dhex jiray.

Ninkii dhaawaca ahaa ayaa isbitaalka loola cararay, iyadoo 60% jirkiisu uu gubtay.

Macluumaadka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in uu shaqadaa qabtay isagoo aan wadan dharkii looga gaashaaman lahaa korontada ee loogu talogalay in lagu shaqeeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close