Wararka

Dhakhaatiir Caaro Sun Ah Ka Soo Saaray Dhagta Haweenay Xanuun La Dhiibaatooneysay (Muuqaal)


Suusi Toreys: “Waxaan soo kacay subaxnimadii Talaadada, si aan u hubsado xanuun dhagta gudaheeda aan ka dareemayay iyo biyo aan ku arkay dhagteyda bidix waxa ay yihiin. ”.l

Sidaa darteed; Susi Torreys waxey aadday dhakhtarka Tremont Medical Bulding oo ku yaallay waqooyiga, halkaas oo ay ka heshay dhakhtar baarta bilowgii hore, dhakhtaraddii wey iga baxday waxey ii sheegtay iney labo dhakhtar oo kale la soo tashan doonto.

Waxeyna ii sheegtay iney cayayaan dhagta ku aragtay, wax argagax ah ma dareemin maadama aanan ogeyn waxa uu cayayaankaasi yahay, illaa ay markii dambe iiga soo noqoto, waxey ii sheegtay iney caaro dhagteyda ku jirto, qalabka ay haysteen aadbuu u koobnaan laakiin xirfadooda ayey adeegsadeen oo wey iga soo saareen.

Markii dhagteyda laga soo saaray martidan 8-da lugood leh, ayaa waxaan lala yaabeyn iney dhowr su’aalood weydiiso dhakhaatiirta,  waxaan weydiiyay, waa maxay sababtu, sidey dhagta ku gashay?ma aamineysid inuu dhagtaada geli karo ama qeyb jirkaaga ka mid ah. Kadib waxey dhakhaatiirtu u sheegeen Toreys, in waxa dhagteeda laga soo saaray uu ahaa caaro-caaro bunni ah oo weliba nooca suntan leh.

Torreys hadda waxey ka warrameysaa taxadarka lagama maarmaanka ah ee marka aad sariirta aaddo habeenkii, guriga markii aan gaaray waxaan dhagaha gashaday suuf, madaama aanan haysan wax kale oo aan dhagta ku awdo, aadbaan uga baqaa caaro-caarada.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close