arrimaha bulshadaWararka

Haweenay Ninkeeda Furriin Ka Dalbatay Maadama Ay Xamili Kari Weyday Jecel Xad Dhaaf Ah oo Uu U Qabo! (Muuqaal)


Haweenay Imaaraatka ka soo jeedda ayaa dooneysa iney ninkeeda iska furto, maadaama uu jacayl xad dhaaf ah siiyay, shaqada guriga uu kala qeybqaato iyadoo aan ka codsan, hadiyadana uu ku harqiyo.

Maxkamad ku taalla magaalada al-Fujeyra  ee dalka Imaaraatka ayey u sheegtay in ninkeedu aanuu la doodin kuna qeylin, marwalbana uu dhankeeda u dabacsan yahay.

Laakiin iyadoo arrimahaas oo dhani ay jiraan oo uu xaaskiisa aad u jecel yahay, ayaa haweenaydani ay sheegaysaa in noloshu ay ku adag tahay, waa sida uu qoray wargeysa Khaleej Times ee luqadda Imaaraatka ku soo baxa.

Sida ay jariidadu sheegtay haweenaydan ayaa ka cabaneysa in jacaylka iyo kalgacaylka uu ninkeedu u qabo ay meel sare gaartay ayna tahay sababta ay furriinka u codsaneyso, maadama ay xamili kari weyday dhaqankiisa dabacsan.

Haweenaydan ayaa maxkamadda ka hor sheegtay: “Waxaan ku dhibaatooday jacaylkiisa xad dhaafka ah, waxa uu igu garabsiiyaa shaqada guriga anigoon ka codsan.”

Lamaanahan oo muddo sanad ah is-qabay ayaa gabadhu waxey ku andacooneysaa inuu marnaba ku qeylin.

Mar ay ka cabatay miisaankiisa oo yara saa’id noqday, ayaa waxa uu raacay, sida ay tiri, nidaam cunto oo adag si uu isku caateeyo, spots-kan wuu ciyaaray, sidii uu u dadaalayay illaa uu ka gaaro iney lugi ka jabto.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: : “Waxaan aad ugu hamuun qabaa inaan maalin un muranno, laakiin arrintaasi waxey u muuqataa mid mustaxiil ah maadama uu ninkegu xilli walba romantig yahay, waxwalba oo aan ku sameeyo igama hoos qaado, maalin walbana hadiyado ayuu igu harqiyaa.”

“Waxaan u baahan nahay inuu si dhab ah iila murmo, noloshu maahaa mid dhibku ka maran yahay oo baarrinimo un ku dhisan.”

Ninka ayaa dhankiisa maxkamadda u sheegay inaan waxba laga soo qaadin codsiga xaaskiisu ay ku dalbaneysao furriinka:

“Maxkamadda waxey u sheegtay cadaalad maaha, in guur saddanka koowaad lagu xukumo, dadka oo dhan khaladaadkooda ayey wax ka bartaan, waxaan jeclahay inaan noqodo nin wanaagsan oo aan dhib badneyn.

Maxkamaddu waxey amartay in gal-dacwadeedkan dib  loo dhigo, lamaanahananna ay ku fartay iney dib iskugu laabtaan oo ay arrimahooda si hoose u xalliyaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close