Wararka

Jacaylku Mucjisooyin Ayuu Lee Yahay.. Farqiga Da’da ee Ay Lamaanahani Kala Weyn Yihiin Waa 56-sano (Muuqaal)


Waxaa aad loo hadal hayaa oo saxaafadda Indonesia qabsaday Isbuucii lasoo dhaafay, qiso jacayl oo guur kusoo gabagabowday, oo u dhaxeysay gabar dhalinyaro ah oo 27-jir ah iyo oday waayeel ah oo Saddex iyo Sideetan jir ah.

Iyadoo ay jirtay in aad looga dooday farqiga da’da ee lamaanahan u dhaxeeyay oo gaaray  illaa 56-sano, ayaa hadana gabadhan dhalinyarada ah oo la yiraahdo Noraayni, ay sheegtay iney jacaylka odayga Sodigo u qaadday aragtidii koowaad, markii ugu horreysay ee ay aragtay July-dii lasoo dhaafay.

Norayni, ayaa odaygan Sodirgo markii ugu horreysay waxey aragtay xilli ay la socotay labadeeda waalid, waxey aadeen guriga odaygan oo ku yaallay Disaa Jaatilaaba ee  gobolka Gawayaha-da dhexe, si ay la talin uga raadsadaan, waa sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Malaysia.

Xilligaa laga soo bilaabo Norayni waxey  kolba la raadsan jirta cudur-daar ay ku aaddo guriga odaygan oo jiilkii awoogeed ku fac ah, iyadoo ay jirtay in odaygani aanuu bilowgii hore wax dareen ah  u muujin.

Gabadhu waxey odayga ka codsatay inuu guriga ku soo booqdo, Sodirgo waxa uu sheegay inaanuu bilowgii hore ku fakareyn inuu xiriir romantig ah la jilo gabadhan da’da yar maadama uu odayoobay oo uu waayeel noqday.

Iyadoo sidaa ay jirto ayaa odaygii ay u suurtageli weyday inuu iska celiyo dareenka jacaylka, markii uu dareenkiisa la wadaagay oo uu guur u soo bandhigay horey ayay ka aqbashay oo ay u ogolaatay.

Qoyska Norayni waxey u ogolaadeen guurka si dhakhsiyo ah oo ka degdeg badan sidi ay gabadhan yari fileysay, laakiin caqabaddu waxey ka jiray curadka odaygan oo 51-jir ah oo aan ku qancin sida ay wax u socdaan iyo xiriirka uu aabihii sameynayo.

Wiilkan oo garab ka helay qaar ka mid ah gabdhaha uu odaygani dhalay, ayaa waxa ay u dhabo galeen iney ogaadaan gabadhan yar waxa ku kalifaya ee ka dambeeya iney aabahood guursato, laakiin markii ay arkeen gabadhani sida ay uga go’an tahay iney aabahood u guursato iyo jacaylka ay u hayso ayey is dhiibeen oo ay ogolaadeen guurka oo maalmihii lasoo dhaafay qabsoomay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close